Shirkadda Twitter oo hawada ka saartay Bartii uu ku lahaa Trump

0

USA-(Berberanews)-Shirkadda Twitter ka ayaa hawadda ka saartay gabi ahanba hoggii madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaddib markii la ogdaaday in loo adeegsado erayo kicin ah ama aan u wanaagsaneyn amniga dalka.

Sidoo kals Twitter ayaa ku eedeysan madaxweyne Trump in uu ku xadgudbay sharciyada iyo badqabka ee u yaala shirkadda, bogga madaxweynaha ayaa waxaa ku xidhnaa  88.7 malyuun oo qof .

Dad magac leh ku dhax leh siyaasadda dalka Mareykanka ayaa si isdaba joog ah uga dalabanayay saacadihii ugu danbeeyay in ay tallaabo ka qaado qoraalada uu madaxweynaha soo dhigayo Twitter kuwaa oo keeni kara kicin bulsho iyo nabadgalyo darro.

Qaar ka mid ah sharci dajiyaasha Mareykanka iyo dadka caanka ayaa muddaba ku baaqayay in bata twitter ay gabi ahaan meesha ka saarto cinwaanka madaxweyna Trump.

Marwadii hore ee mareykanka Michelle Obama ayaa khamiistii barteeda twitter-ka shirkada kaga codsatay in ay joojiso qoraallada trump ee dhaqan xumida ah sidoo kalana gabi ahaan meesha ka saaran cinwaanka madaxwyenaha Trump.