Shirweynihii 1aad ee Urur-siyaasadeedka UDHIS Hargeysa ka furmay iyo Shirguddoon Lagu Doortay

0

Hargeysa (Berberanews)- Shirweynihii 1aad ee urur-siyaasadeedka UDHIS, ayaa maanta ku furmay wacdaro iyo dhoolatus aad u weyn, waxaana lagu doortay guddida shirguddoomin doonta labada maalmood oo shirkaasi ka soconayo hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa.

Shirweynaha 1aad ee ururka UDHIS waxa ka qaybgalay dadweyne boqollaal ku dhaw iyo eryooyin fara badan oo ka kala yimi gobollada dalka iyo dibaddaba.

Bilawga shirweynaha oo ku furmay jewi aad u deggan iyo sacabbo-tun si fiicana loo soo habeeyey, ayaa ugu horrayn waxa halkaas hadal ka jeediyey Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah urur-siyaasaddeedka Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhego-weyne), kaas oo ka hadlay waxyaabaha ururkan loo aasaasay iyo ujeeddada ka dambaysay in la yagleelo.

“Waxyaabaha aynu ururkan u aasaasnay waa duruufaha uu ku sugan yahay dalkeennu oo aad durba moodo in dimuqraadiyaddii dhicis tahay oo dadku waxay doonayeen aan sinaba marna looga turjumin. Waxaan leeyahay arrimihaas ayey UDHIS samaysantay si ay dadka si dhab ah tallada gacantooda ugu soo celiso,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Muj. Ibraahim Dhego-weyne, waxa uu soo jeediyey masuuliyiinta ururkiisa in talada la is wada gaadhsiiyo oo halka ugu hoosaysa laga soo dhiso, “Waxa weeye mar walba waxaynu dooranaa inaanay meel sare ku daldalnaanin ee talo tii ugu horreysay ee aynu ka bilawnay oo ah gobol walba inuu isagu soo doorto madaxdiisa, ergadiisa iyo golayaashiisa oo talo hoos ka soo bilaabantay ilaa mid gudeed, dibadeed, talo dadku wada leeyahay, dhaqaale la wada leeyahay oo aan reerna looga marti noqon, cid gaarina aanay bixin ee ay noqoto inaynu gaadhno ayaa ururkan u joogaa. “

Mr. Maxamed Saleebaan oo ka mid ah masuuliyiinta ururka UDHIS, ayaa u mahadnaqay ergooyinka gobollada dalka ka kala yimi oo uu sheegay inay waqtigooda iyo taageeradoodaba u soo horreen ururka UDHIS.

Guddoomiyaha ururka UDHIS Mr. Cabdi Cabdillaahi oo u igmaday inuu u hadlo Garaad =====, ayaa sheegay in ururka UDHIS yahay ururkii ugu horreeyey garaadada Soon ku jiraan, kana soo qaybgalaan shirweynahooda, isaga oo tilmaamay inay ka wakiil yihiin shacabka iyo garaadada reer Sool.

Mr. Cabdi Cabdillaahi waxa uu soo jeediyey in heesaha dhiirigelineed ee SNM ku kooban, laga dhigo qaar shacabka Somaliland ka wada hadlaaya, isaga oo xusay inay SNM si gaar ah u qadariyaan.

Xildibaanno Golaha Wakiillada ah iyo ergada gobollada oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna soo jeediyey in ururkan laga shaqeeyo isku duubnidiisa iyo siduu u soo hoyn lahaa guulo waaweyn.

Intii shirweynuhu socday, ayaa lagu doortay guddida shir-guddoominaysa shirweynaha oo ka kooban shan xubnood, waxaana Guddoomiye loo doortay Xildhibaan Ibraahim Rayte, Guddoomiye-ku-xigeen Ibraahim Aadan Gadiid, Xoghaye Axmed Xirsi Cali, Cabdiqaadir Xaaji Cali, Cali Axmed Cabdi iyo Muuna Maxamed Xasan.

Xafladan lagu muujiyey awoodda urur-siyaasadeedka UDHIS, ayaa lagu soo bandhigay heeso lagu amaanayo ururka hoggaankiisa, ciyaaro hide iyo dhaqan oo dhallinyarada ururka SOCSA halkaas kus oo bandhigeen.

Shirweynaha oo muddo laba cisho ah ka socon doona, ayaa maanta la rajaynayaa in lagu doorto hoggaanka sare ee ururka majaraha siyaasadeed u qaban doona.