Sidee ayuu ku biloowday xiriirka Grand P iyo Eudoxie Yao?

0

Dabayaaqadii bishii July ayay gabadha caanka ah ee reer Ivory Coast ee Eudoxie Yao ku dhawaaqday inuu dhammaaday xdhiidhkii ka dhaxeeyay Fannaanka reer Guinea ee Grand P don oo ay Soomaalida inta badan u taqaano fannaan Dooli.

Eudoxie ayaa barteeda Facebook ku qortay “….Waxaan rabay inaan idin sheego in xidhiidhkii aniga iyo Grand P don uu dhammaaday sidaa darteedna aan horay u socon doono.”

Hase yeeshe qoraal uu dhowaan soo dhigay bartiisa Facebook Grand P Ku sheegay inuu xiriirkooda dib usoo noqday oo ay heshiiyeen. Waxaa la arkayay sawirro baraha bulshada lasoo dhigay oo muujinaya lammaanahan oo wada jira.

Waa kuwee Eudoxie Yao iyo Grand P

Eudoxie Yao waxay caan ku tahay xayeesiinta dharka iyadooo weliba ka duwan dadka kale o dharka xayeesiiya sababto ah waa qof aad u buuran. Marka ay ku jirto ganacsiyadeeda inta badan wax miyuusik ah kuma larto.

Waxay caanka ka tahay baraha bulshada oo barteeda instagram keliya waxaa ku xidhan 1.6 malyan oo qof.

Dhanka kale Grand P waa fannaan caan ah oo u dhashay dalka Guinea, muuqaal ahaan waxa uu u egyahay qof da’yar balse da’ahaan waa nin weyn. Dadka ayaa u jecel waxayna ugu yeedhaan fannaankii bilyaneerka ahaa inakstoo aany cadeyn inay tahay lacagta uu haysto.

Sidee ayuu ku bilowday xiriirlkooda?

Gabadha caanka ah ee reer Ivory Coast ee Eudoxie Yao ayaa markii ugu horreysay bishii Oktoobar ee sannadkii 2019-kii shaacisay xidhiidhka ka dhaxeeya iyada iyo Grand P. Wax yar uun ka dib marki ay shaacisay xidhiidhkooda ayaa barteeda Instagram ku soo xidhmay dad hal malyan kor u dhaafaya.

Ka dibna waxay sheegtay in iyada iyo faannaanka reer Guinea ay si wada jir ah u qabanayaa ruwaayad faneed. Xita markaasi waxay qoraalkeeda ku shaagtay inuu ninkeeda yahay inkastoo aanu noqon ilaa bishii Ogosto ee sannadkii 2020-kii oo ahayd markii ay shaaciyeen meherkooda.

Qoraalkaasi xitaa waxay ku sheegtay in waalidiinteeda aysan ku raacsanayn guurka iyada iyo Grand P. Waxay sheegtay in taageerayaasheeda ay weydiyeen sababta u afka uga dhunkanayo balse ay ugu jawaabtay in uu jacayl ka dhaxeeyo.

Waxay qoraal kale oo barteeda Instagram ay soo dhigtay ku sheegtay in xiriirkooda ay ku faraxsantahay, aysan wax dhib ahna ku qabin qaab muuqaalkiisa, ama farqiga u dhaxeeya labadooda marka laga hadlay jir ahaantooda.

Fannaankan ayaa had iyo goor ka soo dhex-muuqda baraha bulshada ee Soomaalida, iyadoo inta badan dadka ay ku maadeystaan iyagoo eegaya qaab muuqaalka lammaanahaan oo aad u kala fog. Maalmaahan waxaa aad loo hadal hayay sawir ay uu Grand P ku soo wadaagay baraha bulshada oo ay lugaha kaga fadhido.@Bbc Somali