Sidee ayuu ku keenayaa aqoonsiga 30 sanadood la raadinaayey?

0

Sidee ayuu ku keenayaa aqoonsiga 30 sanadood la raadinaayey ee la garan la’yey meel uu yaalo ?

2: sidee ayuu shaqo abuur ugu samaynayaa dhamaan bulshada bilaa camalka ah ee somaliland oo gaadheysa 65%?

3: sidee ayuu dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka kor ugu soo qaadayaa ?

4:sidee’ ama xagee ayuu hargeysa biyo uga keenayaa iyadoo 30kaas sanaba xoog iyo xoolaba lagu bixinaayey ilaa hadana aan wax la taaban karo laga hayn ?

5: sidee ayuu sixir bararka ula tacaalayaa ?

Haa qof kasta wuu ogyey dhibta dalka ka jirta’ xisbiyada mucaaridka ahna ugama baahnin iney noo sheegaan waxa khaldan ‘ waxan uga baahaney iney inoo sheegaan waxa khaldan waxa ay ku saxayaan ee ay kaga duwanyihiin kulmiye .

Shacab ahaan isku dan beynu nahay isku duruufna weynu nahay ‘ waxase inakala kaxeeyey aragti aan aqoon ku salaysneyn .

Waxan ku raacay reernimo aniga oo aan wax shuruuda la gelin waxaanan ku difaacaa reernimo aniga oo aan koob shaaha ku qabin .

Adiga qudhaadu waxan khaldan ee aad sheegeyso kaagama dejisna wax qorshe ah oo aad xisbigaaga la gashey oo wax lagaga qabanaayo.

Waa sababta aad nabarada uxoqdo adigoon wax dawo ah u haynin.

Ana waa sababta aan barakadii uga qaaday kelmadii maansha alla .

Meel madhan iyo maamul liita waxkasta oo ay sameeyaan waxan idhaa maansha allah aniga oo adiga kugu xumeynaaya .

Waxaynu nahay isku dan hadana isma fahmeyno

Anigu waan soo baydhayaaye meel aynu isku dhaawac waraysano isugu keen keena.

Aniga ka Mohamed Kaise Gahayr ahaan waxan diyaar u’ahay in aan raaco xisbiga wadani hadii uu 5taas su’aalood iiga jawaabo ‘maaha jawaab qudha ee waa in uu itusaa istaraatiijiyad cad oo qoran oo aan ku wada qanci karno aniga iyo bulshaduba .

Af hayeenka xisbiga wadani ayaan jawaab ka sugayaa

Aqonyahan /ahna xildhibaan ka ugu culus golaha wakiilada cusb

Barkhad Jaamac Batuun

Wabilaahi tawfiiq