“Sidii adeerkay dalka ugu hiiliyay ayaa idinkuna codkiina iigu hiiliseen” Maayar Mooge

0

Hargeysa-(Berberanews)-Maayarka Caasimadda Cabdukariin Axmed Mooge, ayaa shacabka Hargeysa uga mahadnaqay inay ugu codkooda ugu hiiliyeen, iyagoo guday abaalkii adeerkii Maxamed Mooge liibaan.

Maayar cabdikariin waxaa uu sidaa ka sheegay bandhig xalay loo sameeyay Buug loogu magac daray “FOOLAAD” oo lagu soo ururiyay halgankii iyo hal abuurnimadii Muhaahid Maxamed Mooge Liibaan.

“Walaalayaaloow waxaan idiin sheegayaa adeerkay wuxuu dhintay isagoo nolol raadinaya, sinaan raadinaya, caddaalad raadinaya oo Somali oo dhan wanaag u raadinaya, marna isagoo ummadda Somaliland cadaalad iyo madaxbannaani u raadinaya.”

Adeerkay wuxuu idinku tidhi ‘tollaay reer Hargeysoow’ waad maqasheen waad dhegaysateen dabeetana dalkiinaa xoraysateen, isagana Ilaahay godka haw nuuro.

Mar labaad buu inankuu adeerka u ahaa idin hor yimi wuxuu kala doortay inuu yidhaa ‘tolaay qabiilkoow’ iyo inuu yidhaahdo ‘ tolaay reer Hargeysoow’ markaana waad jawaabteen reer Hargeysoow, waxaana igu doorateen codkii ugu badnaa haday tahay Baarlamaan iyo haday tahay Gole deegaanba waanan idiin mahad naqayaa”

Halka ka daawo muuqaalka