Silaanyo oo xilalka isugu beddelay qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda

0

Hargeysa(Berberannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kala beddelay laba Wasiiru-dawle oo kala ahaa Wasiiru-dawlaha Kalluumaysiga iyo Wasiiru-dawlaha Khayraadka Biyaha, kuwaas oo uu isu waydaariyey midba Xafiiskii uu joogay mooyee ka kale.

Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed xambaarsanaa Digreetada isku-beddelka, oo caawa ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Berberaannews.com, waxaanu  u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4933/072017          uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle.

MADAXWEYNUHU: Markuu Arkay:- Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:- Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiiru-Dawlayaasha Wasaaraddaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Iyo Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday:- 1. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiirudawlaha Biyaha)

  1. In Mudane, Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.”