Sir Alex Ferguson Oo Doonaya Inuu 100 Milyan Ginni Ku kharash-gareeyo Suuqa Kala Iibsiga Xagaagan.

0

England (Berberanews Sports):- Tababare Sir Alex Ferguson ayaa lagu wadaa inuu suuqa kala iibsiga ku kharashgareeyo xagaagan lacag gaadhaysa 100 milyan ginni, si uu dib ugu dhiso kooxda Shadaadiinta Cas Cas, sida ay qorayaan wargeysyada Ingariiska ee maanta soo baxay.

Wargeyska Daily Express ayaa sheeganaya in Fergie uu ka warwrasan yahay in Manchester City ay noqoto kooxda ugu awooda weyn Ingariiska, islamarkaana uu doonayo inuu dhiig cusub ku soo darro kooxdiisa.

Ciyaartoy dhowr ah ayay maanta wargeysyada la xidhiidhiyeen Manchester United waxaana wargeyska Daily Star uu isna ku soo daray liiska ciyaartoyda ee SAF uu doonayo ciyaaryahan koodii hore haatana ah difaaca kooxda Barcelona Gerard Pique.

Halka sidoo kale lala xidhiidhiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Luka Modric, xiddiga kooxa Lille Eden Hazard, weeraryahanka Athletic Bilbao Fernando Llorente, iyo difaaca kooxda Valencia Jordi Alba.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports