Sir Alex Ferguson Oo Weerar Ku Qaaday Man City Isagoo Ka Jawaabayay Hadalkii Patrick Vieira.

0

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa la soo baxay ciyaar maskaxeedkiisii isagoo sheegay in dib u soo laabashada Carlos Tevez inay muujineyso quusta ay taagan yihiin Manchester City.

Tababaraha reer Scotland ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta u isticmaalay isagoo u jawaabayay Patrick Vieira oo isbuucaan sheegay in soo laabashada Paul Scholes inay cadeyn u tahay daciifnimada Manchester United.

“Hadii daciifnimo ay tahay waxa dib loogu soo celiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ugu fiicanaa 20kii sanno ee la soo dhaafay, markaas waan aqbali karnaa arintaas” ayuu yiri Ferguson.

“Tababarah City isaga laftiisa isbuucyo ka hor sidaas ayuu u hadlay. Lakiin dhamaanteen sidaas ayaan u dhaqmi doonaa. Waxaa jira doona weeraro badan oo dhanka afka ah” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waxa ay ciyaar siiyeen habeenkii dhaweyd ciyaaryahan diiday inuu garoonka galo, islamarkaana tababarah uu yidhi waagaas mar danbe iima ciyaari doono, fasax ayuuna iskiis ugu soo qaatay shan bilood Argentina”

“Taasi maxay tahay? Taasi sow ma soo geli karto qodobka daciifnimada iyo kooxda quusta taagan? ha walwalina weeraro badan oo afka ah ayaa jira doona” ayuu yidhi Ferguson.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports