Sirta ku duugan xil ka qaadista Maareeyihii Duulista hawada Somaliland ! Xog culus

0

Maxay yihiin Weftiga reer Israel ee laga celiyay Madaarka Hargeysa?

Hargeysa-(Berberanews)-30 March 2021 diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraatka carabta oo siday  saraakiil u dhalatay wadamada Isra`iil iyo Imaaraatka Carabta ayaa laga celiyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxana amarka lagu celiyay bixiyay, Maareeyaha Hay`ada duulista iyo Hawada ee Somaliland Axmed Cabdi Rodol.

Sida xogtan Berberanews ku hesbay Diyaarada oo markii ay ka soo kacday garoonka diyaaradaha ee Dubai waxay bakhtiisay qalabka lagula socdo diyaaradaha ee raadarka, iyada oo ujeedadu ahayd in aan laga ogaan qalabka lagu hago diyaaradaha ee yaala muqdisho kaas oo ay qaramada midoobay gacanta ku hayso  hasa yeeshe waxay qalabka dib u shiday markii ay diyaaradu soo gashay hawada Somaliland, waxanay xidhiidh la soo samaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa,  hasa yeeshee saraakiisha dhinaca hawadu waxa ay u sheegen diyaarada in anaay haysan wax macluumaad ah oo ku saabsan meesha ay ka timid iyo waxa ay sido, waxanay u sheegen in ay ka timid magaalada Dubai ee wadanka Imaaraatka carabta oo ay sido saraakiil sare oo ka tirsan dawladaha Israa`iil iyo Imaaraatka carabta,

Hasa yeeshee saraakiisha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa kumay qancin jawaabtaasi waxanay u sheegeen Maareeyaha hayada, Mr Axmed Cabdi Rodol, kaasi oo isna amar ku bixiyay in diyaarada la celiyo.

Diyaaradii ka timid magaalada Dubai, markii loo diiday in ay ka soo degto garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxay u jihaysatay garoon macmal ah oo ku yaala magaalada Garacad,

Hasa yeeshee garoonka macmalka ah ee ku yaala Garacad umay suurto gelin in ay ku degto ka dib markii ay halkaasi rabshado ka sameeyeen maleeshiyaad qabiil oo lagu sii diyaariyay Garacad

Waxanay ugu dambayntii ku noqotay diyaaradi magaalada Dubai oo ahayd halkii ay markii hore ka soo duushay, waxanay saraakiisha dawlada Imaaraatka carabtu xidhiidh la soo sameeyeen Madaxtooyada Somaliland waxanay uga warameen wixii ku dhacay iyo  loo diiday in ay soo fadhiisato diyaaradii siday saraakiisha sare ee laga soo diray magaalada dubai garoonka diiyaaradaha ee magaalada Hargeysa

Hasa yeeshee madaxtooyada Somaliland waxay u sheegeen in aanay waxba kala socon amarka loogu diiday in ay hargeysa yimaadaan,

Saraakiisha madaxtooyada Somaliland waxay u sheegeen in ay maalinta beri ah yimaadaan hargeysa oo lagu soo dhawayn doono.

31 March,2021 Diyaaradii markii hore laga celilyay ayaa si caadi ah usoo fadhiisatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxanay si toosa u tageen xarunta madaxtooyada Somaliland halkaas oo uu diyaar ku sii ahaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,

Saraakiishiii ay siday diyaaradu ayaa si faahfaahsan uga waramay wixii ku dhacay shalay, iyo sababta looga celiyay madaarka Hargeya, hasa yeeshee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u sheegay weftiga in aanu waxba ka ogayn  cida bixisay amarka diyaarada iyo weftigii saarnaba loogu diiday Garoonka Hargeysa,

Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi ayaa Telefoon ugu yeedhay Maareeyaha Hay`ada Duulista iyo Hawada ee Somaliland in uu yimaado Xarunta Madaxtooyada, waxyar ka dibna waxa yimid Maareeye Axmed Cabdi Rodol, waxanu Madaxweyne Muuse Biixi weydiiyay cidda bixisay amarka diyaarada lagu celiyay

Axmed Cabdi Rodol ayaa sheegay in uu isagu bixiyay amarka lagu celiyay diyaarada, sababtoo ah buu yidhi kamaanu hayn wax macluumaad ah, waxanay garoonka la soo xidhiidhay ayuu yidhi markii ay soo gaadhay Magaalada Hargeysa,

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeye Axmed Cabdi Rodol ayaa isku xanaaqay, waxanay ka gaadhay in ay is weydaarsadan ereyo cay iyo aflagaado u badan, taasi oo keentay in uu xafiiska ka baxo Axmed Cabdii Rodol,

Hasa yeeshee madaxweyne Muuse Biixi ayaa markiiba qaatay go`aan ah in uu xilka ka qaado,

Weftigii ay siday diyaaradu ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi, waxanay hargeysa ka dhoofeen gelinkii dambe ee maalintii arbacadii

Kulanka dhex maray saraakiisha ka socotay dawlada Israa`iil iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay In uu yahay iskaashi dhex mara Isra`iil iyo Somaliland, maadama oo waqtigan uu jiro loolan iyo isbedel ka socda geeska afrika, dawladda Imaaraatka carrabta ayaa iyadu ka soo shaqaysay qorshaha dawlada Israa`iil, mana jirto ilaa hada tibaax buuxda oo ku saabsan kulankaas iyo natiijadii uu ku dhamaaday.