Siyaasadda Soomaaliya iyo Duruufaha ku xeeran

0

26/03/2021-Sida Aqoonyahanada cilmiga siyaasada ku xeel dheeri ku macneeyeen siyaasadu waxa ay tahay  waa Iskaashi iyo isku haynta fikradaha kala duwan, rabitaanka kaladuwan, tartamayaal kala duwan.

siyaasadu waxa kala ay tahay mabaadii aas aasi ah oo dowladi ku dhaqanto ama raacdo si ay u gaadho yoolkeeda mustaqbalka isla markaasna ay ku maamusho dadka iyo dalka ay  xukumeyso si ay u gaadhaan nolol wanaagsan iyo mustaqbal fiican. Dadka Soomaaliyeed hadaad waydiiso waa maxay siyaasad?  Iyo waxa ay ka aamin sanyihiin? Dadka badankiisa waxa ay kuu sheegayaan siyaasaddu in ay tahay ‘been oo kale’ oo ku hareeraysan sawir dhibaato, khalkhal galin, rabshado,  khiyaano, wax is daba marinta, muran, iyo toogonimo. Hadaba, siyaasadu waxa leedahay micno balaadhan waa waxqabadka iyo hagaha ay dadku ku meel maraan waxna ku badalaan iyagoo umaraya xeerarka iyo qawaaninta u dajisan.  Siyaasaddu waa cilmi labarto balse dad yar  ayaa siyaasadda ku soo gala bilaa fikir gaar ahaan Soomaaliya waa ka duwantahay oo dadka siyaasiyiinta badankooda iyagoon siyaasadda aqoon iyo fikir fiican ka haysan ayay siyaasadda soo galaan. Waana sababta siyaasiyiinta soomaaliyeed badankooda ay siyaasada ugu fashilmeen.

Hadaan is dultaago fashilka haysta siyaasadda Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed waa dad fiican oo leh dal fiican oo hodan ah illaahayna siiyay khayraad badan oo ay kamid yihiin; laba wabi, laba badood, dhul balaadhan oo beerashada ku fiican, macdan badan, shidaal, hawada marinka diyaarada oo balaadhan, kaluun badan, xoolaha sadaxda nooc gaar ahaan geela u badan caalamka, hawo fiican, dadka oo Muslim ah 100% iyo meel Istaraatiiji ah ku yaala.

Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa nimco walbo nusqaanteeda leh. Inagoo waxaas oo nimco ah haysano haddana waxa mudo dheer shacabka Soomaaliyeed la daalaa dhacayeen dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin; abaaro, daadad, cuduro, dagaalo sokeeye, qabyaalad, waxbarasho la’aan, dhaqaalo xumo, qaxooti, iyo mida ugu weyn oo waxaas dhibaato ah sababtay oo ah siyaasi iyo siyaasad xun oo aan u arko dhibaatooyinkaas oo dhan in uu sababta u badan leeyahay.

Siyaasiyiinta soomaaliyeed oo badankooda aqoon iyo khibrad siyaasadeed lahayn oo salaanka siyaasada ku soo galay 4.5, tan iyo markii uu dalku bur buray waxa soo baxay kumaakun siyaasi soomaaliyeed. Tiradooda iyo waxa ay qabteen haddii la is barbar dhigo waxaa badan tiradooda  waana wax laga naxo. Goobaha dadku ku kulmaan waxaad ku arkaysaa Ex Wasiir hore, xildhibaan hore, madaxwyne hore, Agaasime hore iyo wax lamida, iyaga oo ku faanayo masooliyadahoodii hore (title) ay soo qabteen iyo anagaa ka fiicnayn kuwan imika. War dhafoor ayuu ku yaalaa ayay Soomaalidu tidhaahdaa, balse hadaad indha caafimaad qabo ku eegtid taariikhdoona iyo waxa ay soo qabteen iyo fursadaha iyo xoolaha umadda ay qasaariyeen waxa aad is odhanaysaa armay u qurux badantahay in ay is qariyaan oo ayna ku faafin fursadaha ay shacabka ka qasaariyeen. Maxaa yeelay hadday waxbadan soo qabteen waxa ay ka muuqan lahayd dalka iyo shacabka Soomaaliyeed oo wali la daalaa dhacayo dhibaatooyin badan oo sababay siyaasi xumo iyo dowlad la’aan. Iyada oo ay jiraan siyaasiyiin fiican hadana inta badan siyaasiga Soomaaliyeed waa mid u soo qaraab taga sidii uu xoola uga tabcan lahaa isagoo meel iska dhigay ama is illowsiinayo dhaartii uu dhaartay, diinteena, dhaqankeena iyo masuuliyada uu u qaaday in uu u adeego shacabka masaakiinta ee la daalaa dhacayo. Iska daa in uu wax u qabto shacabka ee qaarkood dhibta ayay ku sii badiyaan oo ay marar badan isku dayaan ama ku soo noqdaan mansabyo siyaasadeed iyagoo leh shacabka wax u qabanaynaa, oo kasii daranee tiro taageerayaal ah wata.

Siyaasiyiinta doorashada isku haysta ee khilaafku ka dhaxeeya iyagana hal mid ayaan u soo jeedinayaa. Walaalayaal waxaad u soo ban baxdeen oo rabtaan in aad dalkan iyo dadkan aad wax u qabataan idinkoo isku arko in aad tihiin dadkii ku haboonaa in ay dalkan hogaamiyaan, hal dhinacna waa u wada jeedaaan oo ah in doorasho dhacdo, waxaana hubaa in aad saaxiiba soo ahaydayn, tihiin, mustaqbalkana noqon doontaan. Dhinacyada khilaafka ka dhaxeeyo waxaan u soo jeedinayaa dulqaadka, tanaasulka iyo wada hadalka hala joogteeyo hana la badiyo, is maquuninta hala joojiyo dhinacba dhinaca kale uu rabo in 100% ka guulaysto (dominant). dhinac kasta ama qof kasta waxa uuna jeclayn in lagu sameeyo ama loola yimaado yaanan la isku samayn la iskuna dayin. Xukunka Allah ayaa bixiya ha isku muuqanina, danihiina yayna idiin muuqan ee mar walba ka eega danta shacabka iyo dalka. Dagaalka idinka dhaxeeyo yaanuu noqon mid wadan shisheeye aad kula jirtaan oo kale sida Kenya oo badeena damacday oo kale oo aad la dagaalamaysaan, cidiyaha ha ku dagaalamina ee khilaafka idinka dhaxeeya waa mid walaaltinimo kuna eega indho wadan jacayl is qanciya wada hadalna ku dhameeya arinta, taas ayay danta guud iyo mida gaarka ahba ku jirtaa.

Dhinaca saxaafada iyo dadka baraha bulshada isticmaalo(social media) waxaan u soo jeedinayaa garabyada is haya ha ku kala taageerina dana gaara iyo mid qabiil, hana isku soofaynina, Allah ka cabsada oo arinta hala isku soo dhaweeyo suluxna halaga shaqeeyo yaanan la isku sii hurin siyaasiyiinta. taas ayaa danteena iyo danta qarankaba ku jirtaa.Dowladihii soomaray Soomaaliya haba yaraatee wax way qabteen, wax badana waa ay dhimanyihiin oo fari kama qodna. Dadka wanaagsan ee waxbartay waxaan u soo jeedinayaa in ay dalkan iyo dadkiisa usoo qalab xidhaan sidii ay u bad baadin lahaayeen oo ay siyaasada soo galaan. Gaar ahaan dhalinyarada wax baratay waa in ay dalkooda nafta iyo waqtigaba u huraan(sacrifice) iyagoo kudayana dhalinyaradii hore ee SYL. Siyaasiga xuna waxaan u soo jeedinayaa aakhiradaada, shacabkaaga iyo naftaada u tur xoolo umadeed waa qaaxo kugu maqan.

waxa jira wadamo badan oo caalami ah iyo kuwa jaarka ah oo Soomaaliya dano kale waana in lala yimaadaa siyaasad arimo dibadeed oo ku fadhido ugu yaraan 30 sano ee soo socda isla markaana la is waafajiyaan danaha soomaaliya iyo danaha iyo xidhiidhka ay naga leeyihiin wadamada caalamka. Waxa aan ku soo gaba gabaynayaa qoraalkayga waa in lakala horaysiiyaa baahiyaha Soomaliya ee waqtigan taagan (priorities) sida dib u heshiisiinta, soo celinta kalsoonida shacabka, nabadgalyada, dowlad dhisida, dastuurka iyo dimuqraadiyada.

                                                WABILLAAHI TOWFIIQ

 

 

Qore:

Sayid  Abdullahi

Email: ab.hersi19@gmail.com

Mogadishu, Soomaaliya