Siyaasi Cali Cartan: Dimuqraadiyaddii la kufsaday

0

Hargeysa-(Berberanews)-Siyaasi Cali Cabdi Cartan oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sharci darro weyn ku tilmaanay xadhiga laba musharrax oo ka tirsan xisbiga UCID.

Siyaasi Cartan waxa uu sheegay in muwaadin kastaa xaq u leeyahay saddexda xisbi qaran inuu midkood iska sharraxi karo, balse la kufsaday dimuqraadiyaddii Somaliland.

” labada nin; Maxamed Axmed iyo Axmed Yuusuf, xadhigoodu waa mid aan meela loogu soo gabban oo ilaa imika la garan la’yahay, oo sharciyadda ka fog, caddaalad iyo sharci marka laga hadlaayona maaha mid qof lagu xidho. Qof muwaadina oo xisbi qaran galay oo xisbigaa qaranka ee UCID doonaya inuu ka tartamo, ‘kayguun baa laga tartamayaa ee kaas kama tartami kartid’ waxaad mooda in dimuqraadiyaddii la kufsaday.” Ayuu yidhi Cartan.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi, “Dimuqraadiyaddu waxa weeye in qofka muwaadinka ahi xaq u leeyahay inuu cidda uu doono ka tartani karo, oo saddexda xisbi kuu doono ka tartami karo, laakiin cid baa cid loo xidhayaa oo waa xaaraan, dalkeenana waxaad mooda in aad laysugu qaldo dimuqraadiyadda iyo dhaqanka iyo diinta.”
Halkan la daawo muuqaalka warka oo dhammaystiran.