Somalia: dagaal u dhexeeya ciidamada Milateriga iyo Booliska oo socda

0

Muqdisho-(Berberanews)-Dagaal xoog leh ayaa saaka ka bilowday magaalada Muqdisho ee Caasimadfa Somalia, kaasoo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamo Booliis ah iyo kuwa Militari ah ayaa la sheegaya iney ku dagaalamayaan agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegayo iney isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu salka ku haayo murum la xidhiidha lahaansho dhuleed oo mudooyinkii dambe soo jiitamaayay, waxaana la sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Booliiska iyo Militariga Soomaaliya.

Wali si dhab looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidanka ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, maadama uu wali socdo.