“Somalia ma fasaxin jaadka Miirooga ee waa been” Wasiir Bayle

0

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay in dowladdu fasaxday Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya, isagoo sheegay in si kale loo fasiray hadal uu shalay warbaahinta kasii daayay.

Wasiirka maaliyadda oo maanta sii daayay hadal kooban ayaa sheegay in ujeedada hadalkiisa shalay uu ahaa in ay dowladdu caddayso in aanu qaadka hareeriga ee ka yimaada Ethiopa cidna u xidhnayn.

“Waxaa laga yaabaa dadku in ay qalad u fasirteen hadalkaygii shalay, waxaan doonayaa in aan halkaan ka caddeeyo in qaadka hareeriga ah uu ku saabsanaa warkayga,” ayuu yidhi wasiir Beyle.