Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo guddi u saaray kiiska Ikraan Tahliil

0

Muqdisho-(Berberanews)-war ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu guddi qaran u saaray baadhitaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo geeri iyo nolol la la’yahay.

Guddigan Qaran, ayaa waxaa hogaaminaya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida.

‘‘Waxaa la farayaa dhammaan xubnaha guddiga iyo guddoonkooduba, in ay howsha si xil kasnimo leh u gutaan, warbixinta baadhistana ay u gudbiyaan hay’adaha sharciga u leh’’.

Kiiska Ikraan ayaa dhaliyay khilaaf maalmahanba jiitamayay oo u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasarihiisa Maxamed Xuseen Rooble.