Somalia oo dalal shisheeye ku eedaysay nabadgelyo darrada

0

Muqdisho-(Berberanees)-Ra’isal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ciidamada ammaanka ee dowlada faray iney gutaan waajibaadkooda qaran oo ay dhowraan amniga shacabka ayna ka hortagaan waxkasta oo khatar ku ah.

Ra’isal wasaare Roble oo saaka ka hadlay dagaalladi shalay galab iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ka xunyahay dhibaatadi “lagu khalakhal gelinayey amniga iyo nabadda magaalada Muqdisho xilli lagu jiro bisha barakeysan ee mudan xurmadda iyo cibaadada.”

“Cidwalba waxaan farayaa in nabadda la wada ilaaliyo oo la wada dhowro, bulshadana loo turo. Ciidamadana waxaan farayaa inay gutaan waajibaadkooda qaran oo ay dhowraan amniga shacabka iyo ka hortagga khatar kasta oo dhibaata u keeni karta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada magaalada Muqdsiho,” ayuu yiri.

“Dowladda waxay aaminsan tahay in wadahadal iyo isafgarad uu yahay jidka ugu haboon ee wax kasta lagu xallin karo, howshaas oo aan billaabay aniga oo rajeeynaya in aan ku guuleysan doonno insha allah.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan waxgaradka, culimada, bulshada rayadka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada in aan ka wada shaqeyno xasiloonida,” ayuu yiri Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Fedraalka Soomalaiya, Xasan Xundubeey Jimcaale, oo xalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay “ka hortageen waxa uu ugu yeeray maleeshiyaad ay soo abaabuleen dad aan dadkooda iyo dalkooda u naxeyn,” waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa aan markale ugu baaqayaa (shacabka) in aysan ka qayb qaadan dagaallo la soo xawilay oo dano shisheeya looga shaqeynayo, oo ujeeddooyin laga leeyahay oo ay qarsoodi ahayn, dadki soo xawilayna aan ognahay, oo cid kasta oo waxgarata ay ogtahay, in dagaalladan la soo xawilay.

“Qof walboow haddaad moogeyd ogoow, indhahaaga fur, maskaxdaada fur, dagaallada Muqdisho loo soo rarayo waa dagaallo ay dowlado shisheeye wataan,” ayuu yidhi.

“Waxaa loo baahan yahay waa dagaal billowgiisa la ogyahay dhammaadkiisana aan la ogeyn, ayna ka macaashi doonaa shisheeye; dallaaliintaa yaryarna waxbadan aysan ka faa’idi doonin in aadan faraha la gelin.. wixi siyaasad ah waa laga heshiin doonaa laakiin in aynan dad iska dilin, dalkana iska duminin ayaa reer Muqdishoow noo ballan ah,” ayuu sheegay Wasiirka Amniga Soomalaiya Xasan Xundubeey Jimcaale.

@Bbc Somali