Somalia oo diiday dalab Kenya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah

0

Muqdisho-(Berberanews)-Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo diiday dalab Kenya u gudbisay maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ICJ, oo ku saabsan in dub loo dhigo dhegaysiga dacwada badda ee ay Soomaaliya ka dhaxaysay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay dowladda Somaliya in warqad  u qortay maxkamadda ICJ ay ku caddaynayso in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho dacwada bilaabanaysa bisha march.

Maxkamadda ICJ ayaa 15-ka bisha march ee sanadkan u muddaysan tahay in la gudo galo dhegaysiga dacwada badda oo marar kala duwan ay dowladda Kenya ku guulaysatay in dib loo dhigo kadib codsi ay u dirtay maxkamadda.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aanay marnaba aqbali doonin dib u dhigis dambe, isagoo tilmaamay dowladda Soomaaliya in ay u arkayso “caddaalad dib loo dhigay in ay lamid tahay cadaalad la diiday. (Justice delayed is justice denied).

“Haddaad dib u dhigto xukun iyo maxkamad waxay ka dhigan tahay in aadan maxkamadda aqoonsanayn ama aadan rabin inaad cadaaladda hortagtid,” ayuu yidhi wasiir Dubbe.