Somalia oo jawaab ka bixisay dareenka Beesha Caalamka

0

Muqdisho-(Berberanews)-Dowladda #Somalia oo jawaab ka bixinaysa baaqyadii Beesha Caalamka ee saacadihii ugu dambeeyay ay kaga soo horjeedeen muddo kordhinta, ayaa sheegtay in Dowladdu ay fulinayso go’aanka Golaha Shacabka, waxayna dalalka Beesha caalamka ugu baaqday inay ixtiraamaan madax-banaanida Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee lagaga jawaabay baaqii Beesha caalamka, ayaa sidoo kale kusoo beegmaya iyadoo xiisada ka dhalatay muddo kordhintu xiisad siyaasadeed ka abuurtay Somalia.

Hàlkan ka akhriso qoraalka oo af ingiriisi ah.