Somalia oo ka hadashay diyaaraddii Garacad ay ka celiyeen ee galafaatay Rodol

0

”Wax alle wixii keeni kara in hawadu dib nooga noqoto waan ka hortagaynaa.” Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Somalia Maxamed Oomaar

Muqdisho-(Berberanews)-Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horraysay ka hadashay diyaarad laga hor istaagay magaalada Garacad ee gobolka Mudug.

Somalia ayaa haatan xaqiijisay inay iyadu diyaaraddaas joojisay oo ay ka celisey inay ka degto garoon ku yaalla Degmada Garacad.

“Diyaaradda Garacad u socotay, arrimo amni oo markaas garoonka ka jiray ayaan u joojinnay oo garoonka amnigiisa ayaan sugnayn balse ma jirto wax xannibaad ah,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Somalia Maxamed Oomaar oo warbaahinyaa hadlayey.

”Wax alle wixii keeni kara in hawadu dib nooga noqoto waan ka hortagaynaa.” ayuu daba dhigay Wasiirka oo aan faahfaahinin sababtaa dambe.

Dayuuradda laga celiyey Garacad ayaa y kasoo duushay dalka Imaaraadka Carabta.

Haseyeeshee waxay shebekedda Berberanews akhristayaasheeda la wadaagtay macluumaad ku saabsan diyaaraddan Garacad ka degtay in markii hore loo diiday Madaarka Hargeysa oo galaafatay Maareeyihii Duulista Hawada Somaliland Axmed Rodol, kaasoo isagu bixiyay amarkii dub u celinta diyaaradda oo ay la socdeen saraakiil u dhashay Israel iyo Imaaraadka Carabta.

Warkaas oo faahfaahsan halka ka akhriso.