Somalia oo sheegtay inay dagaalka Beled Xaawo ku qabteen Boqolal askari oo Kenya ah

0

Muqdisho-(Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidankii soo weeraray Beledxaawo la jebiyay, isla markaana ay ka qabteen maxaabiis gaadhaya 100, isagoo si cad u sheegay in Ciidanka Kenya ay qeyb ka ahaayeen dagaalka.

“Ciidanka Kenya iyo jabhadii ay quudineysay ayaa xalay saq dhexe soo weeraray Beledxaawo iyagoo ka soo gudbay xuduuda si ay u qabsadaan magaalada muhiimka ah ee Beledxaawo taasi oo dhaawaceysa Qaranimada iyo Madax banaanida, Jabhadii iyo ciidankii shisheeye in laga adkaaday ayaan shacabka ugu bushaareynayaa, in ku dhow 100 maxbuus ayaa dagaalka lagu qabtay, waana la jebiyay”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.