Somalia oo wasiir cusub u magacowday Arrimaha Debedda

0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad isaga oo xilkan u  magacaabay mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wasiirka Wasaarrada Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe  ayaa goor shaaciyay warkan balse Wasiirku ma uusan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriirta xil ka qaadista Wasiir Cawad.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir mudane Axmed Ciise Cawad.

Xigasho Hiiraan