Somalida Ethiopia oo bannaabaxay, wadada Tareenka oo xidhan iyo xaaladda taagan

0

Itoobiya-(Berberanews)-Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in dhalinyaro careysan oo dibadbaxyo dhigayo ay xireen waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dekedda Jabuuti.

Xiritaanka waddadan tareenka waxay dhibaato weyn ku tahay Itoobiya oo aanan laheyn deked xilli ay ku tiirsan tahay dekedda dalka deriska ah ee Jabuuti.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dhagxaan lagu jaray waddada tareenka.

Inkasta oo ay adagtahay in la xaqiijiyo warkan xilli dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta uu ka dhacay deegaanka Garba Ciise.


Dhanka kale, Wararka ka imaanaya Garba Ciise waxay sheegayaan in maanta ay xaaladda degan tahay inkasta oo ay weli xiisadda taagan tahay.

Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagaga soo horjeedo dagaallada ka dhacay deegaanka Garba Ciise ee u dhexeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

Xukuumadda Dowlad Deegaanka waxay dhawaan sheegtay in maleeshiyaad kasoo jeedo gobolka Canfarta ay weerar Sabtidii kusoo qaadeen Garba Ciise halkaas oo ay dad shacab ah ku laayeen.

Ilaa hadda wax war ah lagama hayo dhinaca maamulka Canfarta oo ku saabsan colaaddan.

Maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sheegay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba-ciise iyo deegaannada ku xeeran.

@Bbc Somali