Somalida Gobolka Siti oo xidhay wadada Tareenka Ethiopia iyo Djibouti

0

Ethiipia(Berberanews)-Dhallinyarada Somaliyed ee Gobolka Siti ayaa gebi ahaanba jaray tareenka isku xidha dalalka Ethiopia iyo Djibouti.

Dhallinyarada gadoodsan, ayaa sheegay inaanay marnaba aqbalayn qorshaha quudhsiga iyo xaqiraada isugu jira ee dowladda Ethiopia ku hayso dadka Somalida ah ee ku nool deegaankaas oo ay dagaallo dhiig badan oo shacab ahi ku daateen ay ku soo qaaddeen isbahaysiga Canfarta iyo Malleeshiyaadkeedu.

Dhallinyarada iyo dadweynaha Degmada Afdem ee Gobolka Siti ayaa ku guulaystay gebi ahaanba inay jidkaas xidhaan ka dib markii ay kala furfureen xadiidka uu tareenku isticmaalo, waxaanay ku eedeeyeen xukuumadda Addis Ababa inay wado qorshe gurracan oo ay doonayso inay deegannada Somalida u gacan geliso Canfarta.

“Dhulkayaga waannu u dhimanaynaa, xuduuduna Awash bay noogu joogtaa.” Waa weedho ka mid ah erayada ay ku dhawaaqayeen dhallinyarada gadoodsan oo gacmaha ku sita birihii wadada tareenku isticmaali jiray oo ay furfureen.