Somaliland: 21 Qodob oo hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi ku guulaysan karto

0

Waano iyo Warbixin ku saabsan Doorashadii Somaliland ka dhacday iyo tallooyin ku socda Madaxweynaha cusub ee Somaliland.. W/Q: Axmedyaasiin Maxamed Jaamac / Hargeysa Somaliland

Haddaba ,aan ku bilaabo doorashadii madaxweynaha ee aynu qabsanay 13 November 2017

Ugu horayn ilaahay baa mahad leh, mar labaadka waxaam Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay, xisbiyada Qaranka, Komishanka qaranka, Ciidamada qaranka ee kala duwan, shacabka Somaliland meel kastoo ay joogaan, dhamaanba hay’adihii caalamiga ahaa iyo dawladahii in uun ka qayb qaatay hamsami u socodkii iyo kharashaadkii ku baxay doorashada.

Waxaan madaxweynaha la doortay ilaahay uga baryayaa inuu xilkaa u fududeeyo dhiibay uu ku  asturo. Aamin aamin.

Siddee ama habkeebay doorashadu u dhacday?

Doorashada iyo wax waliba waxay ka suurtoobaan ama ka yimaadaan xagga rabbi, waxaan mar walba aaminsanahay in ilaahay uu umadda u dooro cida uu rabo. Waxaan aaminsanahay in Somaliland doorashadan madaxweynaha aynu lahayn cadaw gudaha ah iyo mid dibadeedba, lana rabay in ayna u dhicin si wanaagsan, ujeedo kastoo laga lahaaba. balse waxaan ilaahay ugu mahad naqayaa inay doorashadani noqotay doorashadii u horaysay ee la gaadhsiiyay dhamaan xuduudaha Somaliland.

Waxaan shaqsiyan aaminsanahay in dadkii madaxda Olollaha kulmiye qaarkood ayna daacad ka ahayn ama sida dad badani ila arkeen ayna marnaba rabin in Muuse Biixiku guulaysto tartankii uu galay.

fikirkaasi iyadoo uu yahay mid aniga ii gaara oo weliba noqon kara sax iyo qaladba qaar ka mid ah waxaan u arkay in aanay daacad ka ahayn ololaha. Magacyo sheegi maayo laakiin waxa ka mid ahaa madaxdii ollolaha gobolada ugu waaweyn dalka oo aan calaamadiyey.

Intaa markaan ka imaado, Waxaan sharaf iyo qadarinba u hayaa labada Xisbi ee Mucaaridka ah, gaar ahaan xisbiga WADDANI oo ah xisbi saddex sano wax ka yar jiray oo runtii natiijo wanaagsan ka keenay dhamaan lixda gobol, isagoo soo gaadhay 40 percent codadkii lixda gobol.

Geesta kale, Waxaan si gaara ugu mahad naqayaa halyey Qaran Eng. Faysal Cali Waraabe oo aan maanta laga bilaabo u aqoonsaday inuu yahay Cabdiwaraaba mustaqbalka, runtiina aan anigu siin lahaa doorka Guddoomiyaha Golaha Guurida soo socda.

Haddaba siddee baynu u guullaysan karnaa ama Somaliland hore ugu socon kartaa?.

Ugu horayn waxa muhiima in aan aanay arrinteenu noqon qiiro balse uu noqdo action iyo system ama nidaam wanaagsan oo dawli ah oo shaqayn kara, lagana shaqaysiiyo, taasoo laga bilaabayo caqabada ugu weyn ee ina hor taagani waxa ay tahay sytemka jira ee soo jiitamaysay  mudo 26 sano oo la bedello gabi ahaanba.

Waa in laga gudbo sida aynu madaxda qaranka kusoo doorano ee ah habka qabiilka, oo aynu ku doorannaa hab qofka lagu dooranayo aqoon iyo khibrad u sahli karta in wasaarada ama hay’ada loo xullayo ku wadi karo.

Waxaanan aaminsanahay in wadanku uu gaadhi lahaa horumar dhinac walba ah, haddii 26 kii sano ee ina soo dhaafay madaxdii xilalka haysay aynu ku soo dooran lahayn xilalka aqoon, waxbarasho yo khibrad dheeraada. Taas la’aanteeduna ay sababtay dib u dhac badan oo xad dhaaf ah oo liciifiyey wax soo saarkii  iyo horumarkii wadanku gaadhi lahaa, sababta ugu weynina ay tahay khibrad la’aan haday noqoto Wasiir ilaa Agaasime waaxeed oo lagu soo doortay habka qabaliga ah ama qabiilka.

Sidaasoo ay tahay kama rejjo xumi oo 26 kaa sanadood waxa la qaaday talaabooyin badan oo wax ku ool ah, laguna faani karo, balse marmarka qaar aad moodaysay ama la is weydiin jiray halka wadanku maraayo amaba laga shakiyo jiritaankeenaba.

Waxa muuqatay ama la fahmi karayey, cudurka ugu wayn ee wadanku  la ciirciirayay oo ahayd danta guud oo aynaan fahamsanayn iyo musuqmaasaq baahsan oo naafeeyay dhaqaalihii wadanka, dhiiri geliyayna in la boobo xoolihii umadda.

Maxaa loo baahan yahay haddaba ee hore loogu socon karaa?

Waxa muhiim ah oo lagaga bixi karaa caqabadaha taagan in marka ugu horaysa la sameeyo Critical reform and change iyo istaraajiyad adag:

sidaas darteed Anigu waxaan  ku talin lahaa  inta aan badankeena caad ka saarnayn ee ah:

1- in Wasiirrada iyo Agaasimayaasha kolay laga maarmi maayo in hab qabiil laga soo xulo, laakiin lagu soo xulo ninba ninka uu ka CV wanaagsan yahay ama ka aqoon badan yahay iyo in lixda gobolba ay iska dhex arkaan xukunka ama power-sharing, iyadoo taas qorshaha wakhtiga fog lagu bedellayo nidaamka hore ee inoo shaqayn waayay 26 kaa sano,

2- in Wasaaradaha qaar waxa fiicnaan lahayd in la isku celiyo. Sida warfaafinta iyo boosaha iyo ishaadhsiinta, macdanta iyo Biyaha, Xannaanada Xoolaha iyo beeraha. Labadii wasaaradoodba waxa loo dhiibi karaa Wasiir keliya iyo laba agaasime guud oo adag.

3-  in  caqabada kala qaybsanaanta bulshada Somaliland ee uu kaga tagay  tartankii Doorashada ee  la galay, Qorshe cad oo lagu waajahaayo la sameeyaa.

4- in Sicir bararka ba’an , qiimo dhaca shilinka Somaliland iyo dhaqaalaha dalka ee hoos u dhacay, qorshihii lagu soo kicin lahaa iyo cidii ku haboonaydba si dhaqso ah loo abaabulo magacaabistooda.

  1. In Shaqo la’aanta baahsan ee dhalinyarada laga fikiro sidii wax looga qaban lahaa ee shaqo abuur loogu samayn lahaa.
  2. in Abaaraha soo noqnoqda qorshe cad loo sameeyo si ugu yaraan looga hor tagi karo aafooyinka abaaruhu wataan ee dhimasho dad iyo xoolaba sababa ama keena.
  3. in Tayada caafimaadka loo sameeyo qorshe kor loogu qaadayo.
  4. in Musuqmaasaqa baahsan la dabar-jaro.
  5. in Biyo la’aanta guud ahaan dalka gaar ahaana magaalooyinka waa wayn sida caasimada Hargeysa oo ay dadka ku nool 40% keli biyo helaan wax laga qabto.
  6. in la Xakameeyo tasarufka hantida Qaranka
  7. in la haggaajiyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland ay la leedahay Beesha Caalamka oo beryahan dambe sii xumaaday dayac badaninna ka muuqdo taas oo soo celin doonta karaamada iyo sumcada dalka.
  8. in Wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee turkigu dhexdhexaadinayo gebi ahaanba la hakiyo inta la helaayo wadan kale oo dhexdhexaad ka noqon kara wada hadalada Somaliland iyo Somalia. Waxa cadaatay in aanu turkigu daacad iyo dhexdhexaad midna ka ahayn wada hadalka Somaliland iyo Somalia.
  9. in Adeega xarumaha dawladdu fidiyaan shacabka oo wali aad u hoseeya la dardar galiyo, sidoo kalena la xaqiijiyaa sidii laamaha dawladu ay u hawl gali lahaayeen iyo in saacadaha shaqada dawladdu ay noqdaan ugu yaraan 8 saacaddood
  10. in Suggo xuduudaha Somaliland, lana dardar geliyaa xoojinta amaanka iyo dhammaystirka shuruucda la xidhiidha xuquuqda shacabka ee la yaalla Golaha Wakiilada.
  11. In Shuruucda bangiyada, Tamarta (Energy law) iyo wixii sharciyo ah ee ku diyaar ahXeer-dejinta Golaha baaramaanku ansixiyo
  12. in Kor loo qaado Kaabayaasha dhaqaale sida korantada, waddooyinka, dekedaha iwm. Kuwaas oo kordhinaya wax soo saarka dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha.
  13. in Waxbarashada kor loo qaado, khaastan dugsiyada hoose iyo dhexe oo si rasmi ah bilaash looga dhigo jaamacadaha oo la adkeeyo shuruudaha ay ku noqonayaan jaamacado iyo iskuulada farsamada gacanta oo la sameeyo ama boqolkiiba 75 (75%) laga dhigo skills ama xirfado.
  14. in la xaajoodka DP World iyo Immaaraadka oo ah arrin dhaqaale badan ku soo kordhin doona wadanka hawl galintiisii la bilaabo sida ugu dhaqsaha badan.

Si arrimahan oo dhan loogu guulaystana waa in si dhakhso ah loo qabto qodobadan soo socda;

1.Waxaan ku talin lahaa in heerka aqoonta guud ee shaqaalaha iyo farsamadoodaba la gaadhsiiyo heer caalami ah (Optimum capacity for know-how)

2.In kor loo qaado kartida iyo awooda Shaqaalaha, iyo habka iyo hanaanka loo mamulo hawl galinta ama habsami u socodsiinta waajibaadka shaqo ee qof kasta.(Efficient H.R. Management Procedures).

3.In la waajaho, Maaraynata hawlaha shaqo iyo qaabka maamul ee loo maro agaasinka iyo isku-duba ridka waxqabadka horumarinta shaqo iyo  toobiyaha uu hogaanka guud haabanayo ama hiigsanayo inuu haleelo.(Strategic Management)

  1. waxaan ku baaqayaa oo weliba aan u arkaa inay lama huraan tahay in si habsami leh loo agaasimo oo la meel mariyo qorshaha iyo nidaamka cusub ee kulmiye umada usoo bandhigay doorashada ka hor.

5.Waxa iyana haboon oo muhiim ah in cida aad u xulato inay hawshan qaranka kula wadaan ay fahmaan waajibaadka xilalka aad u igmatay isla markaana aad fartid in ay si hufan u baylah tiraan shaqadaa iyo adeega loo igmaday, lalana xisaabtamo sadexdii biloodba mar.

  1. Waa in la raacaa qorshaha cusub Ee dawlada, waa in wasiir iyo agaasime waliba uu la yimaado firfircooni iyo waxqabad hor leh, waa in nin waliba sameeyo baadhis cilmiyasan oo ku saabsan halka wasaaradaasi marayso, dabadeedna uu keeno hamigiisa iyo himaladiisa uu rabo Inuu kor ugu sii qaado wasaaradaas ama hay’adaa loo igmaday.
  2. sidoo kale waa in Masuul waliba sameeyo daraasad madax banaan oo si xeel dheer u lafa gurta wasaarada ama hay ada masuulka looga dhigay.

Gagabagabadii, Halbeegeenu waa karti iyo abaal-marin qof walba wuxuu mutaysto.

HAMIGEENU-waa wax soo saar iyo adeeg la hubo.

HIMILADEENU- waa horumar, hayaandheer iyo hannashada danteena.

HIIGSIGEENU- waa laydh iyo biyo aynu ka haqabbeelno oo qof walba jeebkiisu xamili karo.

 

Axmed-yaasin Maxamed Jaamac .. Siyaasi ka faallooda arrimaha Somaliland iyo Gobolka