Somaliland: Dhawaaqa isbahaysiga mucaaradka iyo loollanka istirajiyaddaha cusub

0

Maxay Qorshaynayaan Guusha Doorashooyinka Kadib Mucaaradka Somaliland?

Hargeysa-(Berberanews)-Labada Xisbi ee Mucaardka oo ku guulaystay aqlabiyada kuraasta gollaha wakiillada ee doorashada Somaliland ka qabsoontay 31 May 2021, geyiga Somaliland ka, ayaa soo bandhigay qorshaha iyo istiraatiijiyad cusub oo ay qaadanayaan.

Natiijada hordhaca ah ayaa muujisay in 82 Kursi oo gollaha Wakiillada Somaliland ka koobanyahay labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID heleen 52 kursi, iyadoo Xisbiga WADDANI ku hoggaaminayo 31 xildhibaan, halka Xisbiga UCID helay 21 xildhaan, taas oo ka dhigay in ay heleen labada Xisbi Mucaarad tirada guud 52 xildhiaan, iyadoo xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE 30 kursi ka helay 82 kursi ee gollaha wakiilladu ka koobanyahay.

Labada Xisbi Mucaarad oo sidoo kale ku guulaystay aqlabiyada kuraasta gollayaasha Deegaanka Sanaag, Sool, Togdheer, Saaxil, Hargeysa, Boorama iyo Gebilay, oo noqonay isu geynta 95 kursi oo gollayaasha deeganka ah.

Kuraasta Gollayaasha Deegaanka

Ceergaabo WADDANI 5 xubnood, KULMIYE 5 xubnood, halka Xisbiga UCID, ka helay 2 xubnood.

Laascaanod Xisbiga WADDANI, 5, KULMIYE, 5, UCID, 3 golle deegaan.

Burco WADDANI ku guulaystay 5 xubnood, halka KULMIYE iyo UCID isku barbar dhaceen, iyadoo KULMIYE helay 4 xubnood, kala UCID uu helay 4 xubnood.

Berbera Xisbiga WADDANI, helay 4 xubnood, halka Kulmiye ka helay 6 Xunood, xisboga UCID, ayaa dhankiisa helay 3 xubnood, iyadoo gollaha deegaanka Degmada Berbera yahay 13 xubood.

Boorama  WADDANI iyo KULMIYE isku barbar dhaceen, waxayna kala heleen kuraasta Degmada ee gollaha deegaanka, WADDANI, 5 xubnood, KULMIYE, 5 Xubnood iyo Xisbiga UCID oo helay 3 Xubnood.

 Gebilay, waxay ka mid tahay degmooyinka Derejada A, sidaa awgeed waxay raacaysa Lixda Degmo ee Magaalooyinka Lixda Gobol caasimaddaha u ah, wallow Caasimada Hargeysa kuraasta ugu badan oo 17 xildhibaan ah.  Sidaa awgeed waxay leedahay Gebilay 13 Kursi oo golle deegaan ah, kuwaas oo saddexda Xisbi u kal heleen,  KULMIYE, 5 xubnood, UCID 4 xubnood, halka WADDANI 4 xubnood helay,

Hargeysa 17 Xildhiban golle deegaan ayay leedahay, labada Xisbi Mucaarad ayaa helay 11 xildhibaan oo gollaha deegaanka ah, WADDANI 7, UCID 4 iyo KULMIYE oo 6 xildhiaan ah.

Marka laysu geeyo tirada gollayaasha deegaanka Ceergaabo, Laascaanood, Burco, Berbera, Gebilay, Boorama iyo Hargeysa oo caasimadda ah tirada guud ee gollayaasha deegaanka magaalooyinka ayaa noqonaya 95 xildhibaan, waxayna labada Xisbi Mucaarad ka heleen 58 Xildhibaan, halka KULMIYE ka helay tiradaa 27, taas oo muujinay in ay ahaystaan aqlabiyada weyn ee gollayaasha deegaanka sida ay u qaateen labada xisbi mucaarad oo ay ku darsadeen kuraasta aqlabiyada gollaha Wakiillada Somaliland.

labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa maanta soo saaray qoraal ay si wadajir ah ugu shaaciyeen in ay magcaabeen guddi  ka shaqaynay isbahaysi cusub oo ay yeelanayaan kadib guushii ay kasoo hooyeen  doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee la shaaciyay, taas oo kuraasta gollaha wakiillada  isu geyn ay ka heleen  52 kursi, oo ka mid ah 82 Kursi oo gollaha wakiilladu ka koobayahay, halka xisbiga KULMIYE helay 30 xidlhibaan oo gollaha wakiillada ah.

Waxa muuqata in ay qorshaynayaan sidii ay xisbiga xukuumadda oo inkasta oo aannu si cad u shaacin Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada la doonayay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo xilligan ka mid ah xildhibaanada KULMIYE ee kasoo baxay Gobolka Sool, balse taas waxa barbar socday warar aan xisbiga WADDANI ee mucaaradka shaacin oo ahaa in kursiga Guddoomiyaha Wakiillada la doonayo Cabdirisaaq Kahliif oo ahaa Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ee KULMIYE, xilligana ah xildhibaan kasoo baxay Gobolka Sool oo Xisbiga  mucaardka ee WADDANI ka tirsan.

Qorshaha ay ka dhawaajiyeen labada xisbi ee ay ku sheegeen in ay ku samaynayaan isbahaysi si ay uga midha dhaliyaan guushaNatiijada hordhaca ah ee xilligan gollaha wakiillada, iyadoo Xisbiga WADDANI ku hoggaaminayo 31 xildhibaan, halka Xisbiga UCID helay 21 xildhaan, taas oo ka dhigay in ay heleen labada Xisbi Mucaarad tirada guud 52 xildhiaan, iyadoo xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE 30 kursi ka helay 82 kursi ee gollaha wakiilladu ka koobanyahay.

Sidoo kale, kuraasta magaalooyinka waaweyn ee gollayaasha deegaanka Laascaanood, Ceergaabo, Burco, Berbera, Hargeysa Gebilay iyo Boorama oo 95 xildhibaan, waxayna labada Xisbi Mucaard ka heleen 58 Xildhibaan, halka KULMIYE 27, xildhibaan ka helay tirada guud ee magaalooyinka waaweyn, sidaa awgeed  dhawaaqa ay labada Xisbi mucaarad ka dhawaajiyeen wuxuu iftiiminayaa istiraatiijiyad cusub oo ay ku doonayaan in ay Maayarada Magaalooyinka iyo Shirgudoonka gollaha wakiillada ugu heshiiyaan, iyagoo doonaya in ay xisbul xaakinka ku xidhaan geed.

Lama ogga xisbiga xukuumadda ee KULMIYE, wallow aanu haysan aqlabiyada gollayaasha deegaanka iyo wakiillada waxa uga suurta gelaya qorshihii ahaa inuu Prof.Yaasiin Faratoon la doonayo inuu noqdo guddoomiyaha gollaha cusub ee wakiillada marka uu kusoo baxo doorashada 31 May 2021. Sidoo kale qorshaha dhabta ah ee labada xisbi mucaarad ku waajahayaan istiraatiijiyadooda iyo qaabka ay heshiiska ugu yihiin ayaan si dhab ah loo ogayn marka laga yimaado dhawaaqa magcaabista labada guddi ee ay u xilsaareen isbahaysiga labada Xisbi.

Dad badanwaxay  xusuusan yihiin doorashadii gollaha wakiillada ee 2005, qaacidadii Axmed Siilaanyuo Madaxweynhii hore ee Somaliland oo xilligaa ahaa hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn ee KULMIYE, soo shaxeeyay si uu usii wado muuradnimadii xisbiga, wuxuuna isbahaysi la samayeeyay xisbiga mucaardka ee UCID, taas oo uu ku gulaystay, kadib markii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo xilligan ah guddoomiyaha Mucaaradjka WADDANI oo  ka mid ahaa saraakiisha Xisbiga UCID, isla markaana ka mid noqday xildhibaanada usoo baxay xisbiga laga dhigo guddoomiyaha gollaha wakiillada ee 2005, halka xisbiga KULMIYE qaatay labada ku xigeen ee shirgudoonka, wallow ay arrintaasi noqtay mid si weyn uga cadhaysiisay xisbul xaakimkii xilligaa ee UDUB, isla markaana ay sababtay khilaaf muddo jiitamay oo xukuumadda iyo gollaha wakiillada dhexmaray.

Balse waxay dhinaca kale u muuqatay istiraatiijiyad siyaasadeed oo dheeeli tirtay awoodda sharci ee gollaha wakiillada iyo nidaamka dimuqraadiyada Somaliland oo xilligaa u muuqatay mid dhinac u janjeedhay,isla markaana waaxda fulinta oo xukuumadda ah la helo golle dheelatira oo sharci dejin sida uu dastuurku dhigayo oo ugu yaraan saddexda waaxood e sharci dejinta (Baarlamaanka oo guurtida iyo Wakiilllada ah), garsoorka iyo fulinta ay waaxda fulinta ee xukuumadda u garbaduubmeen Guurtida ay qayb ka ah sharci dejinta iyo waaxda garsooka, wallow ay xilligan bulshadu si weyn u tegeysay in aannu jirin la xisaabtan oo si weyn loogu dhaaliilayay wixii ka horreeyay doorashada in dalku noqday xisbi keliya, taas oo loo arkayay mid khatar ku ah nidaamka dimuqraadiyeed ee ay Somaliland qaadatay iyo isu dheelitirnaanta woodda nidaamka dawladnimo ee dastuurki qeexay oo meesha kasii baxayay, waana dareenka ku ladhnaa doorashooyinka xilligan ee ay si weyn dadku ugu soo baxeen., isla markaana natiijadoodu horseeday in ay mucaaradku helaan aqlabiyadaha gollayaasha deegaanada iyo wakiilllada.

Si kastaba ha ahaatee waxaynu dhawri doonaa maalmaha soo socda halka loo jiheeyo loolanka muuqda ee durba aynu aragno sansaankiisa iyo halka uu isugu biyo shubto istiraatiijiyada isbahaysiga labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID natiijada guushii doorshooyinka 31 May 2021, kadib.

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.