Somaliland: Ganacsato iyo siyaasiyiin Kufsi geysta oo dhaqaale kaga baxsada sharciga

0

Hargeysa-(Berberanewa)-Guddoomiyaha Xuquuqal-insaanka Somaliland Maxamed Baaruud Cali, ayaa sheegay in la sii daayo masuuulliyiunta iyo dadka ganacsatada ah ee geysta gabood-falada Kufsiga.

Guddoomiyuhu wuxuu ku eedeeyay in dadkaas oo aan la marin nidaamka garsoorku ay isku furtaan dhaqaale maaliyaadeed sidaana ay kaga baxsafaan sharciga.

“Shalay oo u danbaysay Burco waxaa laga soo sheegay dumar lagu kufsaday oo weliba la dilay. Dhawaan way soo bateen dumarka inta la kufsado weliba la dilayo.

Waxaa kaloo dhaca dad badan oo naloo soo sheegay oo dadka wax kufsada ee ladan ee tijaarta iyo siyaasiyiin ladan oo madaxa, iyagoon maxkamadi xukumin in la sii daayay oo kufsi lagu caddeeyay hadana in la sii daayay. Markaa maxkamadaheenu waxay xukumaan uun dadka jilicsan. Bal u fiirso jeelasheena waxaa ka buuxa dad aa looyar qabsan karin oi masaakiin ah, ninkii ladnaa looyar buu qabsanayaa xildhibaan baa ordaya wasiir baa ordaya.” Sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha Xuquuqal-insaanka Somaliland