Somaliland: Isu soo baxyo waaweyn oo lagu taageerayo Qaddiyadda Madaxbannaanida iyo jiritaanka Qaranka, lagagana soo horjeedo Kooxda Macaash-doonka Cali-khalliid ee Marin-habaabisay Shirdhaqameedkii Taleex

0

Hargeysa-(Berberanews)- Boqollaal ka mid ah shacbiweynaha ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, ayaa sammeeyay isu soo bax ballaadhan oo ujeedadiisu tahay mid lagu muujinayo Taageeradda Qadiyadda Madaxbannaanida Somaliland iyo inay ka soo horjeedaan qabqablayaasha London uga soo dhoofay hagardaamaynta qayb ka mid ah shacabka Gobolka Sool.

Isu soo baxyadan oo ka dhacay Gobollada Somaliland oo dhan waxa badi  albaabada loo xidhay xarumaha ganacsiga, xafiisyada dawladda iyo goobaha waxbarashada oo dhammaantood fasax galay si ay uga qaybgalaan bannaanbaxyada salmiga ah ee shabku ku muujinayay dareenkooda, kuwaasoo badankoodu siteen calanka Somaliland, qaar gaadiidka ku xidheen, islamarkaana ku xidhay heesaha Qaranimmada iyo boodhadh ay ku xardhanyihiin hal-ku-dhigyo ay ku diidanyihiin kooxda Majara-habaabisay shirkii qaybo ka mid ah Beesha Dhulbahante ku qabsaday Talleex. 

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, Madaxda Xisbiyadda, Madaxda Qaranka ayaa fagaaraha weyn ee Beerta Xorriyadda, kula hadlay kumannaan dadweyne ah oo soo ajiibay baaq ay   Xisbiyadda Mucaaridka iyo Xukuummadu si wada jira ugu dhawaaqeen shalay.


Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad u jeediyey dadweynaha isu soo baxay, ayaa ka warramay taariikhda jiritaanka qaranka Somaliland, isagoo tilmaamay dhibaatooyinkii loo soo maray iyo qiimaha uu ku joogo shacabka Somaliland oo uu sheegay in aannu ahayn wax fudud.

“Walaalayaal isu-soo-baxeenu waxa weeye mid aynu ku muujinayno dareenkeena jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, midnimadeena, nabadgelyadeena, in aynu ugu muujinno caalamka rabitaanka shacabka Somaliland, laakiin in aynu cid cayno iyo in aynu cid aflagaadaynu isugu maynaan iman.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu shacabka ugu baaqay, “Waxaad nagu taageeraysaan haddii aannu madaxdii qaranka nahay gogoshii nabadeed ee intii inaga mid ah ee wax tabanaysa aannu u gudbinay inay hirgasho ee aanay noqon mid shirar aan dalkan waxba u soo kordhinayn ee dhibaato u gaysata. Shacabka Somaliland waxaan leeyahay wax kasta oo kale waa laga wadahadli karaa, laakiin qaddiyadda iyo jiritaanka Somaliland mid gorgortan marna gelaysa maaha, sababta oo ah maaha wax qof keliya iyo koox midna samaystay ee waxa uu ahaa go’aan ummadda Somaliland qaadatay inay burburkii Soomaaliya kadib qaranimadoodii markii hore walaalnimo iyo soomaali jacaylka ay iskaga tureen. Sidaa darteed waxaan leeyahay wixii shacabka Somaliland dhisteen maanta koox yari ma burburin karayso,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa uu ka hadlay natiijada shirkii Taleex ee lagu sheegay in maamul-goboleed aan Somaliland ka tirsanayn lagaga dhawaaqay, waxaannu in shacabka ku dhaqan deegaanadda Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin Somaliland, waxaannu ugu baaqay shacabka reer Buuhoodle iyo Laascaanood in ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo xasilloonida, isagoo tilmaamay in ciidamadda Qaranka Somlaliland ay adkeyn doonaan isla markaana difaaci doonaan dalkoodda hadii la soo weeraro.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo si gaar ah ula hadlayey kooxdii shirka ku qabatay magaalada Taleex, waxa uu yidhi, “Walaalahayaga maanta shirka ku qabtay Taleex ee intaas oo aqoonyahan, culimo iyo salaadiin ahi in shirkaas oo gogol nabadeed ah ay ku qabtaan Laascaanood ama Hargeysa ayaa u wanaagsanayd oo horumarka inta dhiman ay nala dhammaystiraan, laakiin may ahayn in inta yar ee jirta ay burburinteeda u soo tafoxaytaan. Walaalahayo dabkii baxaya ayaa dab lagu qabsadaa, reer gaar ah iyo qolo gaar ahi midna qaran ma noqonayo.”

Sidoo kale waxa fagaaraha Beerta Xorriyadda ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyayaasha axsaata siyaasadda KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, UCID Faysal Cali Waraabe iyo UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiirrada Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka SSCD Keyse Cabdi Yuusuf, kuwaas oo dhammaantood ka hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland oo ay ku tilmaameen mid lama taabtaan ah, waxaanay shacabka ugu baaqeen inay adkaystaan nabadgelyada iyo wadajirkooda.

Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland