Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka wadahadlay Qorshaha Wada-xaajoodka Soomaaliya iyo arrimo kale

0

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland Augustina Mahiga, isla markaana waxay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo door ah.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo shalay safar shaqo ku yimi, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku qaabbilay Xafiiskiisa, waxaaanay ka wadahadleen qodobbo ay ka mid yihiin qaadacadda ay Somaliland kaga noqotay qorshaha wadahadalka Somaliland Khamiistii markii Madaxweynaha Soomaaliya Guddiga uu wadahadalka u soo magacaabay ku so daray Masuuliyiin maamul-goboleedka Puntland ka tirsan.

War-Saxaafadeed qoraal ah oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu warkaasi u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr, Augustine Mahiga oo booqasho laba meelmood ah ku yimid dalka.

Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu iman-jiray Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Madaxweynuhu kaga warbixiyey kulankan Arrimo la xidhiidha nabad-gelyada iyo taageerada ay xukuumadiisu ka doonayso beesha caalamka inay ka taageerto adkaynta iyo kobcinta hawlaha nabad-gelyo ee dalka ka socda iyadoo la tixgelinayo khataraha, xasilooni daradu keento ee ka jira mandaqada geeska afrika.

Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramadada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa isna ku dheeraaday sida ay beesha caalamka iyo xog-hayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaaba ay ugu faraxsan yihiin guulaha wax ku oolka ah ee ay Somaliland ka soo hoysay dhinacyada nabad-gelyada, Dimuquraadiyadda, dawlad wanaaga, la dagaalanka Budhcad badeeda iyo wax ka qabashada nabad-gelyo darada ka aloosan geeska afrika.

Waxaanu ka waramay sida ay beesha caalamku diyaarka ugu tahay inay laban-laabto wada shaqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso Somaliland oo caalamku u arko inay tusaale wanaagsan u noqon karto Geeska afrika

Ugu dambayntii waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, oo ah mid waxku ool ah.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.