Somaliland iyo Xuska Maalinta Haweenka Caalamka ee 8-da March

0

Hargeysa(Berberanews)- Magaalooyinka waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn looga xusay maanta maalinta Haweenka caalamka oo sannad kasta la xuso 8-da bisha March oo maanta ku beegnayd.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa maanta ka qaybgashay munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha dawladda ee caasimadda Hargeysa, isla markaasina lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka oo sannadka la qabto siddeeda March.

Waxa munaasibadda hadalka jeedisay wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshadda Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo tilmaamtay qiimaha ay maalintani ugu fadhido guud ahaanba haween waynaha adduunka iyo gaar ahaan haweenka Somaliland, waxay wasiirku ka warantay doorkii ay haweenka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka soo qaateen halgankii ay ummadani u soo martay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland iyo hawlgaladdii ku wejahnaa dib u dhiska nabadaynta iyo haygalka dawladeed horumarinta iyo hanaanka dumuqraadiyadeed ee Somaliland ay u soo martay mudadii uu qarankani xorriyadiisa haystay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu, waxay kula dardaarantay dumarka Somaliland inay xill iska saaraan sidii ay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee inugu soo fooda leh ay codkooda ugu taageeri lahaayeen hablaha isku soo taagaa ka qaybgalka saaxadda hoggaaminta waddanka. Waxa kale oo ay wasiiradu ugu baaqadday in loo hawlgalo sidii loo horumarin lahaa haweenka ku nool degaamadda miyiga ah ee ay la soo dersan xaaladdaha caafimaad.

Waxa kale, oo madasha ka hadlay Gudoomiyaha ururka haweenka ee qaranka ee NOW Marwo Aniis Nuur Cigaal, Agaasimaha gaboodka NAGAAD, Aqoonyahanad Shugri Xaaji Bandare iyo Digtoorayso Adna Aadan Ismaaciil iyo Amran Yaasiin oo ku hadlaysay afka hay’addaha qaramada midoobay oo dhammaantooda ku dheeraaday qiimaha ay maalinta siddeeda March ay ugu fadhido haweenka Somaliland.

Dhinaca kale munaasibad tan la mid ah ayaa lagu qabtay hoolka Shirarka dawlada hoose ee  magaalada Gebilay,waxaana dadweynaha halkaasi hadalo ka soo jeediyay badhasaab ku xigeenka gobolka gebilay Cali Cabdi C.laahi (Cali-Case) iyo Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Magaalooyinka Burco, Boorama, Berbera iyo Ceerigaabo ayaa lagu qabtay Xaflado lagu xusayo maalinta haweenka adduunka, kuwaasoo ay isugu soo baxeen boqollaan Haweenka reer Somaliland ka ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.