“Somaliland kaalin culus ayey ka qaadan doontaa wax ka qabashada iyo xasillinta Soomaaliya, haddii siyaasiyan loo aqooonsado…”

0

“Taasi waxay Dhiirigelinaysaa fikrika Somaliland ee ku aaddan in loo wadahadlo laba waddan oo kala duwan, oo u doodaya si siman…”Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar….Brussels-(Berberanews)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa caddeeyey inay hayaan tusaale aan la dafiri karin oo ku saabsan dhismaha nabadgelyo iyo xasillooni gunta laga soo bilaabay, isla markaana la soo tijaabiyay oo wax ka taraya xallinta khilaafyada u dhexeeya bulshooyinka Somaliland jaarka la ah ee Soomaaliya.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo shalay hadal ka jeediyey fadhi baarlamaanka Yurub guddida u qaabilsan arrimaha dibedu lahaayeen ayaa sheegay in Somaliland ku soo gaadhay xasiloonida iyo dimoqraadiyada heshiisiin wado xanuun badan loo soo maray oo gunta ka soo bilaabmay. Khudbadii Dr. Maxamed cabdillahi, ka jeediyey fadhigaa Baarlamaanka Yurub, oo aan idiin soo koobnay ayaa u dhignaa sidan:

Isagoo Guddida xusuusninaya waayaha kala duwan ee Somaliland iyo Soomaaliya soo mareen waxii ka danbeeyey 1991, markii Somaliland xornimadeedii la soo noqotay, wxauu sheegay, “Somaliland waxay ku soo gaadhay xasiloonid aiyo nabadgelyada heshiisiin wado xanuun badan loo soo maray oo gunta ka soo bilaabmatay. Halka dhinaca kale, ismaamulkii Soomaaliya burburay, isla markaana horseeday mushkiladaha ka taagan Geeska Afrika, sida argagaxisada, budhcad badeedka iyo gaajada.”

Qoraal maanta ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland oo ku qornaa Luuqadda Ingiriisida, isla markaana Berberanews Soomaali u turjuntay, waxa uu Dr. Cumar ku caddeeyey, “Somaliland waxay dhowaan dib u bilowday la macaamilka beesha caalamka, si ay qeybtooda uga qaataan xalinta mushkiladaha ka taagan dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya. Shirkii dhowaan ku dhamaaday London  talaabo hore loo qaaday diblomaasiyada Somaliland ayuu ahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa raaciyey, “Fiirada beesha caalamka ee ku aadan fikirka aan soconayn ee waxay u yeedhaan midnimada xuduudaha waxay halis ku tahay xasiloonida aan dhamaanteen raadinayno. Hadii aan isku mashquulisaan dib u habaynta xukuumad dhexe idinkoo dusha ka soo bilaabaya waxaad dafiraysaan xaqiiqooyinka gudaha ka jira, ee baahsanaanta siyaasada Soomaalidu tilmaamayso.”

Dr. Maxamed Cabdillahi ayaa tilmaamay, “Somaliland waxay ka geli doonta kaalin culus wax ka qabashada io xasilinta Soomaaliya, hadii Somaliland siyaasiyan loo aqooonsado,” annagoo dareeensan sida xubnaha Midowga Yurub u saamaysay budhcad badeedka Soomaalida, ayuu wasiirku sheegay, “Waxaan si buuxda ugala shaqeynaynaa beesha caalamka la dagaalanka argagaxisada iyo budhcad badeedka,”

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa dareenkooda ku soo celiyey war-murtiyeedkii dhowaan ka soo axay shirkii London oo taageerayey, “Wada-hadal Somaliland iyo dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya ama waxii beddela ku heshiisyaan sdia uu xidhiidhkooda mustaqbalku ahaan doono. Taasi waxay Dhiirigelinaysaa fikrika Somaliland ee ku aaddan u wadahadalka laba waddan oo kala duwan, isla markaana u doodaya si siman, taasi waxay u noqonaysaa bar bilow helitaanka wadaxaajood wax-ku-ool ah oo ku saabsan xidhiidhka mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya yeelan doonaan.” 

Dr Cumar, ayaa ugu danbayn sheegay, “Aqoonsiga Somaliland oo leh xuduudahii xoogagii reer Yurub u sameeyeen qarnigii 19aad, waxay dhiirigelinaysaa kaalinta Somaliland ee ahaanshaha xudunta xasiloonid aiyo nabadgelyada geeska Afrika, waxaanay noo sahlaysaa inaan ahaano saaxiib hawlkar ah oo gobolka ku lahaato Yurub iyo beesha caalamkau.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.