Somaliland: Komishanka Xuquuqda aadamaha oo ku baaqay sii daynta musharrax xidhan

0

Hargeysa-(Berberanews) Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland, ayaa ku baaqay in la sii daayo Murrashax ka tirsan Xisbiga Waddani.

Waxaa sidan lagu sheegay nuxurka war-saxaadadeed ka soo  baxay xafiiska xuquuqalka iinsaanka Somaliland.

“Murrashaxiinta, Hawlwadeennada Xafiisyada Doorashooyinka iyo weliba Wakiillada Xisbiyada lama xidhi karo xilliga doorashada, Haddii aan La qaban iyaga oo Dembi Ciqaabeed Faraha kula jira”.