Somaliland: Maxaa sababay in Xukuumaddu ka Qayliso Baraha Bulshada (Social Media)?

0

Xukuumadda Somaliland waxa ay tiraba dhowr jeer cabasho ka muujisay saamaynta leeyihiin wararka iyo macluumaadka lagu baahiyo baraha Bulshada, sida Facebook, Youtube ama Twitter. Cabashada xukuumadda ee arrintan khuseysa waxa ugu dambeeyey wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Md Saleebaan Cali Koore oo sheegay inaan lagu kalsoonaan karin wararka iyo xogaha lagu baahiyo baraha bulshada maadaama oo ay yihiin aalado xog-faafineed oo qof kasta gacanta ugu jira. Waxa uu sheegay inay saamayntoodu waxyeellaynayaan nabad-gelyada Qaranka.

Haddaba, waxa isweydiin mudan, maxaa sababay in xukuumaddu xilligan dareento saamaynta Baraha bulshadu leeyihiin?

Maxaa sababay laga gaabiyo dhiirrigelinta xog-xigashada Mareegaha wararka laga bowsan jiray ee Websites ama kuwa Jaariiradaha?

Sugnaanta Wararka ee Internetka waxa loo doontaa Website-yada oo ah hay’ado warbaahineed oo wixii lagu baahiyo baraha Bulshada laga soo xigto ee maxaa looga hayaamay xigashadooda.

Maxaa fadhiisiyey ilihii warka sugan loo doonan jiray?

Maxaa ku kallifay suxufiyiinta iyo war-wadeennabu inay u digo-rogtaan mareegta Facebook?

Bulshadu waxay ahaan jirtay in warranta iyo in loo warramo, maxay ku dhacday in bulshadu wada noqdaan war-tebiyayaal?

Haddaba, aan u daadago ka-jawaabista su’aalahaas kore oo aan ku cabbiro inta awooddayda garasho iyo ka-war-hayntayda arrintan khusaysaba.

Dhowrkii sanno ee u dambeeyey xukuumadda Somaliland iyadaa si badheedh ah u baabiisay mareegihii wararka sugan loo doonan jiray hadday tahay Websites iyo Wargeysba, islamarkaana abaabushay oo dhiiri-galisay in lagu ku tartamo Faysbuug iyo wax-ku-baahintiisa, taasina waxay sababtay in war-tebiyayaashii ka hawl-galayey warbaahinta kala duwan la tartamaan hay’addii warbaahineed ee ay ka shaqaynayeen.

Masuuliyiinta xilalka ka haya hay’adaha dowladda ayaa iyaguna hormuud ka noqday tartanka loo galay  Facebook iyo isticmaalkiisa, maalin kasta waxay shaacinayeen ciwaan wasaarad ama masuul dowladeed leeyihiin oo Facebook aqoonsaday oo calaamadda Tigta ee buluugga ah la siiyey. Tani waxay da’yartii saxaafadda ku jirtay iyo dhalinyarada kale ee aan mihnadda saxaafadda shaqada ku lahaynba ku dhiirri-gelisay inay aaminaan in ciwaan baraha bulshada ah oo qofku yeeshaa ay ka dhigayso inuu yeelanayo awood dheeraad ah.

Sida laga dharagsanyahay Barkulanka Faysbuug ma aha meel loogu hagaago war sugan oo tixraac leh oo waxa la wada ogsoonyahay inay mar walba iska horyimaaddaan wararka lagu baahiyo Faysbuug oo lumiyey kalsoonidii bulshadu ku qabtay suxufiyiinta warka tebisa.

Barkulanka Faysbuug wuxuu kulmiyey bulsho cayn walba leh oo wax-ma-garato u badan, taasina waxay sababtay in loo dhago-nuglaado wararka ay tebinayaan dad aan aqoon iyo xirfad midna u lahayn saxaafadda iyo shuruucdeeda.

Xukuumaddii la dagaalamaysay saxaafadda tebinta warka ee Wargeysyada iyo Websaaytyada, sidoo kalana tirtiraysay oo xiddidada u siibaysay suxufiyiintii tabinaysay wararka sugnaanshahooga la hubo 90%, maaha wax laga aqbali karo ama caqli suubbaani qaadan karo in waqti la maqlo iyadoo si weyn uga cabanaysa saamaynta baraha bulshada iyo wax-ma-garatada ay iyadu ku dhiirri-gelisay Faysbuug iyo wax-ku-baahintiisa.

Marka hawl-wadeennadii u carbisanaa xirfadda warbaahinta ay xukuumaddu wiiqdo, lagana horumariyo dhawaan-xoolow aan sharciga saxaafadda iyo aqoonteedaba lahayn, waxaynu is-weydiin karaa waxa uu noqonayso cawaaqibka ka dhalanaya ama laga dhaxlayo.

Sow qof kastaaba wariye noqon maayo?

Sinaba isuma qabanayso in la aamusiiyo warbaahintii xogta sugan soo gudbinaysay iyo in la eedeeyo kuwa baahinaya wararka aan sal iyo raad toona lahayn.

Xukuumadda rabitaankeegu ma in aan saxaafad jirin baa? Mise waa in kaliya la baahiyo wixii ay jeceshahay?

Dhinaca kale, Baraha bulshada oo barkulanka Faysbuug ugu tun weyn yahay, dalalka caalamku waxay u sameeyeen xeerar, qawaaniin iyo xadayn meel ku sar-go’an, mana cadaadiyaan saxaafadda sida togan u baahinaysa wararka xaqiiqada ku fadhiya, balse waxaad mooddaa in xukuumadda Somaliland lid ku tahay dhammaan maalaha ay iska taageen dowladaha dunida ka jiraa arrimaha.

Waxa la ogyahay, in warbaahinta tahay tiir ka mid ah tiirarka dowladi ku dhisanto. In suxufigu dhaliil u soo jeediyo xukuumaddu,waxay dawo u tahay isla xukuumadda lafteeda, si ay iskaga gufayso gal-daloolada lagu dhaliilayo.

Guntii iyo gebabadii, waxaan leeyahay waa lagama maarmaan in la helo war car iyo bay la’ oo waaqaca ku aroora, sidii lagu heli lahaana waxa mudan in la dhiirri-geliyo suxufiga iyo saxaafadda.

Qalinkii Akram Cabdalla