Somaliland oo Dalka ka Eriday Saraakiil ka Tirsan Hay’adda EU CAP

0

Hargeysa (Berberanews)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dalka ka eriday saddex sarkaal oo ka tirsanaa hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan Kobcinta Amniga ee loo soo gaabiyo EU CAP, kadib markii lagu helay inay ku kaceen fal khatar ku ah ammaanka dalka badhtamihii bishii February ee sannadkan 2021.
Saddexda sarkaal ee dalka laga caydhiyey oo laba ka mid ah u dhasheen dalka Romania, midka kalena ka soo jeedo jasiiradda Malta, ayaa lagu eedeeyey inay ku kaceen fal aan ilaa hadda ujeddadiisa la shaacin oo la xidhiidha inay lambarrada summadda ah ka furteen baabuur ay leedahay mid ka mid ah ururrada caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland oo yaallay geerash ku yaal xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.
Ilo xogogaal ah ayaa xaqiijiyey in saddexda sarkaal ee la mastaafuriyey lagu qabtay iyagoo labada lambar ee gaadhiga geerashka yaallay mid ka furtay, ka labaadna gacanta ku hayaan, sidaasna qolada geerashku dacwad cabasho ah ugu gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, kadibna loo yeedhay saddexda sarkaal, laakiin sida la sheegay ay dafireen falka lagu eedeeyey.
Hase yeeshee, waxa marag-muujin loogu helay muuqaal ay duubtay kamaradda ammaanka ee CCTC ee geerashka, markaas kadibna waxa dacwadooda loo gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo soo saartay go’aanka dalka lagaga caydhiyey saraakiishaas ajnebiga ah ee ka tirsanaa hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan kobcinta ammaanka ee loo yaqaan EU CAP.
Ma jiro war rasmi ah oo hay’adda EU CAP ka soo saartay falka khatarta ku ah amniga qaranka Somaliland ee ay ku kaceen saraakiisheeda dalka laga mastaafuriyey iyo sababta ku kelliftay toona.