Somaliland oo ka hadashay sida loo helayo Deeqaha waxbarasho ee Taiwan

0

Hargeysa-(Berberanews)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tacliinta sare, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka loo soo codsan karo deeqaha waxbarasho ee dalka Taiwan siiyey Somaliland.

Axmed Muuse Muruud Muxumed oo isla maanta loo magacaabay agaasimaha guud ee Komishanka Tacliinta sare, ayaa meesha ka saaray jiritaanka Xafiisyo madaxbanaan oo laga dalban karo deeqaha waxbarasho amma kuwo fududeyn kara gudbinta codsiyada.

Waxa uu sheegay in Codsiyada deeqaha waxbarasho toos looga dalbanayo Xafiiska Dawladda Taiwan ee ku yaalla Hargeysa, Wasaaradda Waxbarashaduna hubinayso shahaadooyinka ardayda codsanaya waxbarashada, halka ay Wasaaradda Arrimaha gudaha doorkeedu uu yahay xaqiijinta muwaadinka.

Sidaasina waxa uu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa.

Halkan ka Daawo Muuqaalka: