Somaliland oo Maanta Qaabbishay Kooxdii u horreysay ee Budhcad-badeeda ee Laga Soo Raro Seychelles

0

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta qaabbishay Kooxdii ugu horreysey ee Budhcad-badeed ah ee lagu xukumo dalka Seychelles, kuwaasoo saaka lagu soo wareejiyey Somaliland, ka dib markii diyaarad ka soo qaadday dalka Seychelles ay maanta soo gaadhsiisay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Baabuur ka soo qaadday madaarka diyaaradaha ayaa soo gaadhsiiyey Budhcad-badeedda Xabsiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa oo ay Qaramada Midoobay maal-gelisay laba sano iyo bilo ka hor. Maxaabiista la soo gaadhsiiyey Hargeysa oo tiradoodu dhammayd 9 Maxbuus oo Rag ah,  oo ka tirsan 19 Maxbuus oo la keenayo Somaliland, dhammaantoodna Soomaali ah oo falal budhcad-badeednimo ugu xidhnaa Seychelles oo lagu xukumay inta u dhaxaysa 10 sano illaa 24 sannadood oo xadhig ah, xadhiggaas oo ay ku xukuntay Maxkamadda Jasiirradda Afrikada Bari ku taalla ee Seychelles, isla markaana xukunkaa lagu wado inay ku dhammaystaan Xabsiyada Somaliland.

Waxaa la filayaa in 10 qof oo kale oo Burcad-badeed ah lagu soo wareejiyo Somaliland. Arrintan ayaa waxay ka dambeysay heshiis Somaliland iyo Syschells ay saxiixdeen oo ku saabsanaa in Soomaliland lagu soo wareejiyo burcad badeedda soomalida ee iskood u doorbida in ay xukunkooda ku qaataan Somaliland, iyada oo tirade maanta la soo gaadhsiiyey Hargeysa ay dhammaayeen 19 nin uu Budhcad-badeed Soomaali ah.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid waxa uu sheegay inay sagaalkan nin ka mid yihiin sagaal iyo toban maxbuus oo budhcad-badeed Soomali ah oo lagu helay budhcad-badeed oo muddaba ku xidhnaa dalka Seychelles oo iyagu iskood u qabtay oo soo codsaday inay xukunkooda ku dhamaystan Somaliland xabsiyadda ku yaala.

Xidhiidhayaha xafiiska ka hortaga budhcad-badeeda u qaabilsan Somaliland Md Maxamed Cismaan ayaa isaguna dhiniciisa ka sheegay in maxaabistan Soomaaliyeed ee budhcad-badeeda ah ee loo soo wareejiyey xabsiyadda Somaliland ay maxkamaddaha Seychelles ku rideen xukuno u dhexeeyey 10 sanno ilaa 24 sanno sannadihii 2010-2011.

Xidhiidhiyuhu waxa uu inta ku daray in maxaabistan hay’addaha qaramadda midoobay u qaabilsan la-dagaalkanka danbiyadda ee UNODS ay u soo duulisay garoonkan diyaaraddah ee Cigaal Internationl Airport magaaladda hargeysa uu maanta kula wareegay wasiirka caddaaladda Somaliland qaybtii ugu horreysay ee sagaalka ah. Xidhiidhiyaha xafiiska ka hortaga budhcad-baddeeda u qaabilsan Somaliland Maxamed Cismaan waxa uu sheegay dhamaanba maxaabistan budhcad-badeeda soomaaliyeed ee loo soo wareejinayo Somaliland waxay u dhasheen koonfurta Soomaaliya oo aanay ku jirin Puntland.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee la degaallanka dembiyada iyo muqadaraadka ayaa gacan ka geystay wareejinta Maxaabiista Budhcad-badeedda.

Si kastaba ha ahaatee, Tallabadani ayaa la filayaa in ay culayska ka yareysa waddamada Seychelles, Kenya iyo Mauritania, oo ka mid ah dalalka la tacaalaya tirada badan ee Budhcad-badeedda ee ay soo xidhayaan Maraakiibta dagaalka caalamiga ah kula jirta Budhcad-badeedda Soomaaliya ee ku sugan Badaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee Koox Budhcad-badeed ah oo laga soo wareejiyey dal kale la soo gaadhsiiyo Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa toddobaadkii hore dhaqan-geliyey Xeerarka La-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo Kala-wareejinta Maxaabiista Budhcad-badeedda ah, kuwaasoo ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.