Somaliland oo qisaas ku fulisay lix nin

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta qisaas ku fulisay lix nin oo Maxlamadaha kala duwani xukumeen, kuwaasoo dhammaantood geystay dilal kala duwan.

Sidaana waxaa lagu sheegay war ka soo baxay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland.

Lixda qof ee dilka lagu fuliyey ayaa waxa hore xukun dil ugu riday Maxkmaddaha Hargeysa iyo Burco. Waxana hadda dil toogasha ah lagu fuliyey Alle ha u naxariistee lixda maxabuus oo magacyadoodu kala ahaayeen.

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf
2-Sharmaarke Sahal Oogle
3-Quulle Maxamed Cilmi
4-Khaalid Cabdi Xaydar
5-khadar Maxamed Warsame
6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.

Fulinta dilkan ayaa ka dhacday duleedka xabsiga Mandheera oo ay ku jireen Maxaabuustan.

maaha markii kowaad ee xukun nooca oo kale ah laga fuliyo gudaha Somaliland balse marar badan ayaa dilal lagu fuliyey dad hore u dilay dadkale.