Somaliland oo sheegtay in dalka laga helay khayraad badan

0

Hargeysa(Berberanews):- Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo maanta hortegay Guddiga joogtada ah ee golaha guurtida, ayaa sheegay in Somaliland Dahab badani ku jiro sida lagu ogaaday sahammo iyo baadhitaanno ay wasaarad ahaan sameeyeen.

Sidoo kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamartu, waxa uu sheegay in shidaal ku jiro Somaliland, isla markaana ay ruqsado siiyeen shirkado kala duwan, isagoo xusay in macdano muhiim ah oo kala duwani ay iyaguna dalka meelo badan oo ka mid ah ku jiraan.

Xildhibaannada guddiga joogtada ah ee kulanka fadhiyey  qaarkood, ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka halista Shirkadaha Korontadu ku hayaan bulshada Somaliland iyo siduu isagu dhex-dhexaadka ugu yahay shirkadaha kala duwan ee adeegga kooraanka bixiya ee Somaliland guud ahaan, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Caasimadda dalka ee Hargeysa.

Haddaba, Warbixinta Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland siiyey guddiga joogtada ah ee golaha guurtida, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose e ddaawasho wacan oo wanaagsan:-