Somaliland oo sii-deysay 22 Weriye oo uu shalay Hargeyska ku xidh-xidhay Wasiirka arrimaha guduhu

1

Hargeysa-(Berberanews)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta ku guulaystay inay Xukuumadda ka soo daayaan 22 Weriye oo la xidhay shalay, ka dib markii Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), Taliska Ciidanka ammaanka ku amray in la xidhxidhay Weriyeyaasha oo wakhtigaa bannaan-bax cabasho ah la hortagay Madaxtooyda.

Weriyayaasha shalay la xidhay oo ka hawlgalayey hay’adaha kala duwan ee Warbaahinta dalka sida Wargeysyada, TV-yada iyo Shabakadaha wararka Internet-ka ee dawladda ka madax-bannaan, kuwaasoo xidhnaa ku dhawaad 30 saacadood, ayaa maanta duhirkii la soo daayey, ka dib markii hoggaanka Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA ka hawlgalay, isla markaana sida la sheegay uu Madaxweynuhu Wasiirka arrimaha gudaha ku amray in Suxufiyiintaas xorriyaddooda dib loogu soo celiyo. Kuwaasoo dhammaantood la soo daayey marka laga reebo Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Heello) oo ah Weriye ka hawlgalyey Horn Cable TV.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta kulan qado-sharaf ugu sameeyay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa Suxufiyiintii laga soo daayay saldhiga dhexe ee Booliska oo ay 24 saacadood ku xidhnaayeen.

Suxufiyiintani waxay labadaasi masuul uga xog warameen cabashooyin ay ka tirsanayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaana ka mid ahaa in lagu dhaqmo xeerkii saxaafada ee dhaqan galka ahaa iyo in xukuumaddu ay ka noqoto talaabadii ay xeer ilaalinta guud ku joojisay diiwaan gelinta Wargeysyada iyo TV-yada cusub. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Afhayeenka madaxtooyadda oo kulankaasi ka hadlay ayaa balan qaaday inay ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dawladooda iyo Saxaafadda.

Dadweyne tiro badan ayaa soo buux-dhaafayey Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa oo ay Weriyayaashu ku xidhnaayeen markii maanta laga soo deynayey, dadkaas oo qaarkood warbaahinta u sheegeen inay aad uga xumaadeen xadhigga Sharci-darrada ah ee lagula kaxay Weriyeyaasha madaxa-bannaan ee ay shalay Xukuumaddu Xabsiga dhigtay.

Si kastaba ha ahaatee, Weriyayaashan ayaa markii Ciidanka Booliska qabqabanayey qaarkood Askartu si arxan-darro ah u garaaceen, iyaga oo qaarkood nabarro gaadhsiiyey. Weriyayaasha tiran leh ee shalay la xidhay ayaa ah kuwii ugu badnaa ee ay Xukuumad Somaliland ka talisaa hal mar Xabsiga dhigto, iyada oo tallaabadan ay shalay Xukuumaddu qaadday taariikhda u geli doonto Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha Md. Duur.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

1 COMMENT

  1. Waar bal ninkii DUUR oo saxaafadii uu shalay u hanjabayey maanta baryaya eega waar waxu miyaanu karaamo lahayn markuu u hanjabayey HCTV ee uu lahaa rukhsadii ayaanu kala noqonay waxa la moodayey in uu la hadlayo ALSHABAB berito hadii eebe idmo marka la sii daayo rukhsadii HCTV muxuu samayn miyuu iscasili waar kani waa shakhsi aan karaamo lahayn waar meesha iskaga tag Siilaanyo ayaa kolba dad kugu dhufanaya,Saxafiyiintan waxa fiicnayd in ay ku diidaan qadadan waxaanse filayaa in ay dagaal ka uu bilaabay DUUR ay la wadi doonaan ma ninka gaadhay in xataa hablihii xidho waa wax aan sharaf lahayn waa inan gumeed wax ma garato ah.