Somaliland oo uu hadheeyey Sicir-barar soo food-saaray Qiimaha Shidaalka, Saamaynta Bulshada iyo Dhawaaqa Gaadiidlayda

0

Hargeysa-(Berberanews)- Qiimaha lagu iibiyo Shidaalka Badroolka iyo Naaftada ayaa kor u kacay, isla markaana halkii ugu sarraysay gaadhay Suuqyada dalka Somaliland, ka dib markii sida la sheegay uu kala go’ay safarrada Shirkadaha Shidaalka keena dalka, isla markaana kuwa Haamaha kaydka shidaalka ee magaalada Berbera wax ugu jireen cirka geeyeen qiimaha shidaalka.

Arrintan sicir-bararka Shidaalka soo food-saartay oo toddobaadkii u dambeeyey-ba si xooggan looga dareemayey magaalooyinka Somaliland, ayaa waxa maanta ka hadlay Guddoomiyeyaasha Iskaashatooyinka Baslayayaasha waaweyn Xuseen Axmed Maxamuud iyo Basaska yar-yar ee magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kuwaasoo maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xafiiskooda Hargeysa kaga warramay Sicirka Shidaalka oo ay sheegeen inuu si xad-dhaaf ah kor ugu kacay toddobaadyadii u dambeeyey.

Masuuliyiinta Iskaashatooyinka Basaska yar-yar iyo kuwa waawayn ee Caasimadda Hargeysa, waxay Xukuumadda ugu baaqeen inay wax ka qabato Sicir-bararka hadheeyey qiimaha Shidaalka lagu iibiyo, isla markaana ay si dhakhso ah uga hawlgasho sidii ay xal uga gaadhi lahayd dhibaatada sicir-bararka Shidaalku ku hayo Iskaashatada Basaslayda iyo gaadiidlayda kale-ba.

Guddoomiyaha Iskaashatada Basaslayda waaweyn Xuseen Axmed Maxamuud, ayaa sheegay in qiimaha Litirka Naaftada ahi ku marayo 7200 (toddoba kun iyo laba boqol) oo shilinka Somaliland ah, halkii uu markii hore ka ahaa shan kun oo shilinka Somaliland ah. Waxaanu sheegay inay lagama maarmaan tahay in Xukuumaddu wax ka qabato Sicir-bararka qiimaha Shidaalka ku yimi.

Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska yar-yar ee Hargeysa Dalmar oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Basasku u adeegaan qaybaha bulshada, sicirka shidaalka ee kor u kacayna aanu keligood taabanaynin ee uu taabanayo iyaga iyo shacabka. Isaga oo xusay in shan sano ka hor oo uu aad u kacay sicirka Shidaalka lagu iibiyaa ay ka dhigeen Basasku 1500 shilinka Somaliland ah bilawga sannadkii 2008, markaas oo qiimaha Baska qofku ku raacaa ahaa 1,000 (kun shilin) oo lacagta Somaliland ah, isla markaana ay ku kordhiyeen 500, kana dhigeen kun iyo shan boqol oo shilinka Somaliland ah. Waxaanu xusay in wakhtigaa tobanka litir ee Naaftada ahi ahaayeen 40,000 kun oo shilinka Somaliland ah, halka ay maantana tobonka litir ee Naaftada ahi ku marayaan 72,000 kun oo shilinka Somaliland ah, taasoo halkii litir-ba u dhigmo qiimo dhan 7200 Shilinka Somaliland ah.

Waxa uu sheegay inay Basasku u adeegaan Bulshada qaybeheeda kala duwan oo Ardayduna ku jirto, oo maalin kasta illaa 8000 (siddeed) kun oo Arday ay geeyaan, kana soo qaadaan Dugsiyada waxbarashada daafaha magaalada Hargeysa. Sidaa daraaddeed-na ay kaalin muhiim ah kaga jiraan u adeegista qaybaha bulshada, loona baahan yahay inay dawladdu si dhakhso ah wax uga qabato qiimaha Shidaalka ee kor u kacay.

Si kastaba ha ahaatee, qiimaha lagu iibiyo Shidaalka Naaftada iyo Baadroolka ayaa toddobadii maalmood ee ugu dambeeyey meel sare gaadhay, ka dib markii Litirka Naaftada ah laga dhigay 7,000 illaa 7200 inta u dhaxaysa, halka Litirka Badroolka ahna laga dhigay 6800 illaa 7,000 inta u dhaxaysa, taasoo ay cabasho xoogli ka dhalatay ka dib markii ay Basaslayaashu isku dayeen inay qiimaha qofka lagu qaado ka dhigaan 2,000 (laba kun) oo shilinka Somaliland ah halka markii hore uu ka ahaa 1500.

Taasi waxay keentay inay isku dhacaan dadka iyo Basaslayaasha u kala goosha Suuqyada iyo Xaafadaha Hargeysa, isla markaana sababtay in Xukuumaddu Xabsiyada dhigto qaar ka tirsan Wadayaasha Gaadiidk Basaska ee Sicirka kordhiyey, isla markaana uga digtay inay wadayaashu kordhiyaan lacagta ay rakaabka magalaada dhexdeeda u kala raacaya, waxaana halkaa ku joogsaday kordhinta ay Basaslayaashu doonayeen inay sameeyaan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.