Somaliland oo xabsiga dhigtay Xildhibaan Dhakool oo inkiray Maalinta Xorriyadda Somaliland ee 18 May

0

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa caawa xabsiga u taxaabay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland.

Dhakool ayaa shalay sheegay in maalinta 18 may aanay ahayn maalin Qaran balse ay leedahay beesha dhexe ee Somaliland, taasoo uu ku dafiray masiirka ummadda Somaliland ee maalintii xornimada ay ka qaateen Keli-taliskii Maxamed Siyaad Barre oo xasuuq ba’an u geystay shacabka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland oo gudanaysa waajibaadka ilaalinta iyo meelmarinta masiirka ummadda Somaliland ay dib ugula soo noqdeen xorriyaddoodi xasuuqa u horseeday, ayaa qaadday tallaabo qarannimo oo ay ku xidhay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo la ogyahay falalkii argagixiso ee uu ka fulin jiray Gobolka Sool iyo qorsheyaashii uu ku maleegi jiray nabadgelyo darradii ka dhici jirtay gobolkaas oo xukuumadda Somaliland soo afjartay.