Somaliland oo xabsiga ka sii daysay musharraxiin

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga kasii daayay musharrixiintii xidh-xidhnaa ee xisbiyada mucaaridka.

Musharrixiinta lasii daayay maanta ayaa waxa ka mid ah Qaasim Suleymaan oo gobolka Sool ka sharraxan golaha wakiillada Xisbiga Waddani.

Musharixiinta lasii dayay waxaa kaloo ka mid ah Cabdilaahi Xasan Xirsi iyo Cabdiraxman Yusuf Cali oo ka sharaxan xisbiga UCID.

Ciidanka booliska Somaliland ayaa hore murashaxan ugu eedeyey inuu xidhiidh la leeyahay dalal cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland