Somaliland oo xayiraaddii ka qaadday Fly Dubai

0

Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada Somaliland Cumar Cabdilaahi Sayid, ayaa sheegay inay heshiis wada shaqayneed la galeen Hay’adda duulimaadyada ee dalka imaaraada, gaar ahaan Imaarada Dubai.

Heshiiska ayuu sheegay inuu ku qoto inay diyaarada Flydubai dib u bilowdo Duulimaadyadii ay ku iman jirtay garoomada Somaliland.

Dawladda hoose Somaliland ayaa hore u joojisay duulimaadyada diyaaradaasi ku iman jirtay Hargeysa, kaddib markii sida lagu eeddeeyey ay ku xad-gudubtay shuruucda Somaliland.

Halkan ka Daawo Muuqaal: