Somaliland: Xogo iftiiminaya Kooxo Isu-bahaystay Dagaal ka dhan ah Qaranimada iyo Dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyey

0

Duullaannada liddiga ku ah qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, dhinac kasta haka yimaaddaane, kuma koobna oo keliya weerrada cadaawaddu weheliso ee dowladda Soomaaliya, balse waxa jira qorsheyaal ay ku hawlan yihiin shaqsiyaad iyo Koox-diimeedyo aaminsan afkaarta Xag-jirnimada oo ah Tawxiidka iyo Diinta Islaamka oo sifo qaldan loo adeegsado.

Qaar ka mid ah wadaaddada lagu xidhiidhiyo inay ka tirsan ururrada Xaq-jirka ah ee ka jira Soomaaliya, ayaa dhawaan si badheedh ah oo la mid duullaannada siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya u soo weeraray qaddiyadda madax-bannaanida iyo weliba dowladmnimada Somaliland.

Waxa ka mid ah wadaad si weyn looga yaqaanno magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Sheekh Mustafe Cali Caanood oo caasimadda Soomaaliya ku qabtay bayaan muddo saacad ku dhow socday oo uu ku weeraray Qadiyadda madax-bannaanida iyo Aayo-ka-tashiga Somaliland.

Mustafe Cali Caanood waxa uu wacdigiisa ku sheegay in aqoonsi-raadinta Somaliland la galay meel xun isagoo uga jeeda, isla markaana dhalliilaya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo aanu ka haynin haba-yaraatee wax xog iyo macluumaad ah oo uu markhaati ka yahay ama indhahiisa ku arkay, isla markaana aanay jirin cid kale oo soo bandhigtay caddeymo daliil u noqda eedaymahaas. Waxaanu ku andacooday in Xildhibaannada labada gole Baarlamaan ee Somaliland Gaalo yihiin.

Waddaadkan oo isku dayaya inuu Dadweynaha Somaliland ee aan fahamka ka haysan Diinta Islaamka iyo kuwa la fekerka ku kiciyo Dowladda, ayaa yidhi, “Dad badan baa ka qayliyey oo ka hadlay arrinta Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa laakiin dhag jalaq looma siinayo, maxaa yeelay Aqoonsi baa la rabaa oo dimuqaadiyaddii waa in laga run sheego. Somaliland nimanka jooga ee siyaasiyiinta ah oo aqoonsi ay raadiyaan awgiis wax walba ugu qancay. Markaa Dadka waxaan u sheegayaa nimankan aad daba-socotaan ee Aqoonsiga Illaaha ka dhigtay waxay ka hor imaaddeen Illaahay oo amarkiisa ayay diidayaan. Halkaas waxa gaadhsiiyeyna madax-banaanida la raadinayo iyo gooni-u-goosadka oo in la Aqoonsado ayay Aqoonsiga laftiisii Ilaahnimo u arkaan.”

Sheekh Caanood iyo Aqoonta uu u leeyahay Diinta Islaamka, waxa si adag uga hadlay Sheekh Berberaawi oo ka mid ah culimada Hargeysa, kaas oo ku tilmaamay inuu yahay Jaahil aan diinta Islaamka waxba ka aqoon haddana isku qaadaya ka jawaabista masalooyinka waaweyn ee Islaamka.

Jawaabta uu Sheekh Berbera ayaa ka dambaysay kaddib markii Sh Caanood murtidiin ku tilmaamay qaar ka mid ah Culima-u-diinta dalka.

Haddaba, Sheekh Caanood oo dadka qaarkii u arkaan mid ay isku urur yihiin, hal ujeeddo-na ka wada-duulayaan Cabdimaalik Muuse Coldoon, marka loo eego mabaaddida ay ka aamminsan yihiin dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adaha dalka kira qaarkood iyo weliba siday uga midaysan yihiin in bulshadu ka hortimaaddo dawladda si qaranka loo dumiyo.

Dhaq-dhaqaaqyada Cabdi Maalik ee gudaha Somaliland

Gudaha Somaliland waxa sannadihii u dambeeyey ku soo badanaya dhaq-dhaqaaqyo xambaarsan aragti iyo mabaa’di ka shidaal qaadanaya afkaar-diimeed siyaasadaysan oo ka imanaya dalka dibaddiisa, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay sidii ay kacdoon uga abuuri lahaayeen gudaha dalka, iyagoo isku dayaya inay gacanta ku dhigaan Dhalinyarada iyo Haweenka. Si ay taasi ugu suurto-gashana, waxa Muuqata inay bartilmaameedsanayaan dhismaha dowladnimada 31-jirsatay ee Qaranka iyo Haldoorka hoggaamiyeyaasha Qaranka oo ay sawir qaldan ka bixinayaan Caqiidadooda iyo hoggaamintooda, iyagoo fasiraad qaldan ka bixinaya nidaamka waxbarashada iyo wax-qabadyada Dugsiyada waxbarashada iyo hay’ado qayb ka ah nidaamka horumarka ee dalka.

Haddaba, Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah shaqsiyaadka inta badan ka duulla afkaartaas iyo fekerrada Xajirka ah, ayaa horaantii sannadkan masaajid ku yaalla magaalada Buuhoodle ka jeediyey khudbad ku baxaysay Afka Carabiga, iyadoo dadka masaajidka ku sugnaa inyar mooyaane aanay wada-fahmayn hadalka uu jeedinayo.

Muuqaalkan Khudbaddan Cabdimaalik iska duubay oo abuurtay tuhunno dad badani iska weydiiyeen farriinta ay xambaarsanayd iyo halka ay ku socotay, isla markaana uu ku baahiyey ciwaannada uu ku leeyahay baraha bulshada, waxa uu ku dhaliilay nidaamka dowladnimo iyo Doorashooyinka Somaliland oo uu ku tilmaamay inaanay meelna ka soo gelin Islaamka.

CabdiMaalik Muuse Coldoon waxa kale oo uu hore u weeraray waxbarashada Dugsiyo arday badan ka najaxday oo ku yaalla Somaliland. Eedaha uu Cabdilaahi u jeediyey Dugsiyadaas waxa ka soo horjeestay waalidiinta ardaydoodu wax ka bartaan. Sidoo kale, waxa eedaymahaas naqdiyey qaar kamid ah aqoonyahanka Soomaalida qaarkood oo tallaabadaas ku tilmaamay mid hordhac u ah duullaan ay kooxaha xag-jirka ahi ku hayaan Somaliland, kuwaas oo ay sheegeen haddii aan laga hortagin inay waxyeello iyo amni-darro u keenayaan nabadgelyada Somaliland ku caano-maashay.

September 2020-kii, Cabdimaalik Muuse Coldoon oo hadal ka jeediyey munaasibad loo qaybtay arday ka qalin-jabisay Machad Diini ah oo ku yaalla magaalada Burco,  waxa uu ardayda waxbarashada dhammaysatay u sheegay hadallo dhiirri-gelinaya falalka Xag-jirnimada.

Sidoo kale, Cabdi Maalik Muuse oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Burco toddobaadkan, waxa uu si ba’an u weeraray xarunta dhaqanka ee Hargeysa oo uu ku doodayey in xukuumadda Somaliland taageerayso. Eedaymahan CabdiMaalik, ayaa markan ka tallaabay xayn-daabka Xarunta Dhaqanka oo uu hore ugu sheegay dhaliilo iyo eedaymo aanu caddeyntooda soo bandhigin, waxaanu ku lammaaneeyey Xukuumadda iyo masuuliyiinta dowladda oo uu sheegay inay garab-taagan yihiin, waxaanay tani  markhaati u tahay xeeladaha ay Kooxaha Xag-jirka ahi aragtida Qaldan ugu sawiraan bulshada iyagoo doonaya inay iska hor-keenaan bulshada iyo hoggaamiyeyaashooda.

Dhinaca kale, Wargeyska Longwar Journal ayaa Arbacada maanta daabacay warbixin si qoto-dheer loogu lafa-guray saamaynta fekerka Xag-jirmada ku yeeshay Somaliland muddadii 30-ka sanno ahayd ee ay jirtay iyo falal argagixiso oo ay wakhtiyo kala duwan ka geysteen dalka. Waxa warbixinta lagu sheegay in Isku xidhnaanta Dowladda iyo Shacabka Somaliland oo Xoog badani sababay in xiddiddada loo siibo oo aanay Dhulka Somaliland ka hawl-gali waayeen kooxaha Xag-jirka ah marka la barbar dhigo sida ay uga hawl-galaan Soomaaliya.

Warbixinta oo ciwaan looga dhigay “Halista Jihaadiyiinta Gaamuray ee Somaliland”, waxa lagu soo qaatay hawlo-gallo ay Ciidammada Ammaanka iyo kuwa Sirdoonka oo kaashanaya dadka shacabka ahi ku fashiliyeen dhaq-dhaqaaqyo ay isku dayeen shaqsiyaad ka tirsan kooxaha Xag-jirka ah.

Somaliland waxa 30-kii sanno ee dhismaha dowladnimadeeda bar-bar socday oo horumar la taaban karo ka gaadhay warbaahin madax-bannaan oo u darban difaacista qaranimadeeda isla markaana indho ay xogta dalka iyo dibaddiisaba kala socdaan u ahayd shacabka. Haseyeeshee, muddooyinkii u dambeeyey waxa hana-qaaday isticmaalka baraha bulshada oo suurto-galiyey inay bilaa xuduud noqdaan ilaha kala duwan ee wararka laga helo, farriimahana lagu gudbiyo. Tani waxa ay suurto-galisay inay meesha ka baxaan  ku-xidhnaanta warbaahinta kala duwan, haku timaaddo dhaqaale la’aan iyo taageero aanay ka helin xukuumadda Somaliland. Horumarka isticmaalka baraha Bulshadu waxa ay suurto-galiyeen inay fursad ay mabda’ooda, afkaarta ay aaminsan yihiin iyo Qorsheyaasha ay damacsan yihiin bulshada ku gaadhsiiyaan shaqsiyaad iyo Kooxo kala duwan oo xilliyadii hore si qarsoodi ah u hawl-gali jiray.

Dowladda Somaliland oo marwalba dedaal xooggan ugu jirta sugidda amniga dalka iyo midnimada shacabka,  waxa ku waajib ah dar-dargeliso dedaalkeeda ay dalka kaga ilaalinayso shaqsiyaadka xambaarsan fekerrada qaldan ee loo fasirayo Diinta Islaamka, isla markaana ay Culimada dalka kala shaqayso, si xididdada loogu siibo silsiladaha xidhiidhsan ee duullaanka ku ah Qarankan 31-jirsaday oo suurta-galinta Allah (SWT) ka sokow, dhismihiisa iyo horumarkiisu ku taagan yihiin Isku-duubnimada Shacabka iyo Dowladda.

Waxa kale oo saamaynta Kooxahan lagaga gaashaman karaa xoojinta xidhiidh iyo wada-shaqayn ka shidaal qaadanaysa ilaalinta Qaranka ee hay’adaha dowladda iyo Warbaahinta kala duwan ee dalka oo ka mid ah tiirarka Qarankani ku dhisan yahay.