Somaliland: Xuska 61aad ee xornimadii Somaliland ka qaadatay Ingiriiska

0

Hargeysa(Berberanews):- 61-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Britain 26 June 1960-kii oo ku buuxda Caawa oo ay taariikhdu tahay 26 June, ayaa madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa waxaa ka socda Munaasibad lagu Xusayo 61-guurada Xornimada.

Xuska 61-guurada Xorriyadda Somaliland ee 26 June

Munaasibadda ka socota madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Madaxda Xisbiyada, Madaxweyne ku-xigeenno hore, Masuuliyiinta kala duwan ee golayaasha dowladda iyo Marti-sharaf kale, waxaana Xafladda lagu furay Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah iyo duco uu halkaas ka arkhiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu. Hadallo koobkooban oo munaasibadda lagu sharraxay ka dib, waxa la bilaabay Heesaha u gaarka ah xorriyadda iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

61-guurada ka soo wareegtay markii calankii ugu horreeyey ee dal Soomaaliyeed oo xor ahi yeesho laga taagay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Somaliland Xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Britain, oo Xuska loo sameeyey caawa si toos ah uga so cdo madaxtooyada Somaliland, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka tooska ah halkan hoose ee daawasho wa can oo wanaagsan:-