SONYO ma hayso tubtii ay ku gaadhi lahayd Damaca ka haya hoggaaminta dhalinyarada

0

Markii la qaatay fikradda edegeynta adduunka ee reer galbeedku aad u buun buuniyey waxaa lama huraan noqotay kaalinta ay horumarinta lala doonayo dunida saddexaad ka qaadanayaan ururrada aan dawliga ahayni, si gaar ah waxaa ururradaa aan dawliga ahayn awoodda siiyey duruufaha ay ku soo beegmeen oo aynu ka sheegi karno; dawladihii dunida saddexaad oo noqon waayey qaan-gaadh lagu aamino dhaqaalaha loogu talo galay horumarinta bulshadooda. Waxaa iyaduna soo baxday la xisaabtankii dawladahan oo adkaaday maadaama oo ay badankoodu ahaayeen dawlado aanay sharciyadi hagin. Waxase intaaba ka sii dheeraa dawladahan oo noqday kuwo aanay dalalka qaadhaanka bixinayaa aanay saamayn ugu yeelan karin si la mid ah ururrada aan dawliga ahayn.

Laakiin dhib kale ayaa soo baxday oo ah in ururradii aan dawliga ahayn ee ka jiray dunida saddexaad ay tiradoodii xadka beeshay, heer ay gaadhay in boqolaal urur (NGO) oo ka jira goob keliya ay isku hal ujeedo ama hawlqabad u socdaan ama ururro aan nadiif ahayn oo leh ujeeddo faa’ido doon kuwaas oo inta badan caan ku ah in hal mashruuc inta ay helaan kadibna xubnuhu kala goostaan lacagta ururkuna sidaa ku tirtirmo.

 Si dhibaatadaa looga baxo ayaa la hindisay hannaanka caanka noqday ee ah in ururrada intii isku aragti iyo wax qabad ah la isugu ururiyo hal urur weyne, haddii magaciisa quruxda badan aynu u dhigno waa ururrada hadda inagu soo badanaya ee Dalladda.

Dallaayad marka aynu nidhaahno waxaa markaba maskaxda soo gelaysa in aynu ka hoos galno fallaadha qorraxda iyo dhibcaha roobka, waa sidaas oo kale ee Dalladu waxa ay ururradeeda u ilaalisaa xuquuqdooda waxa aanay ka ilaalisaa dhib kasta oo dibadda kaga iman garta.

SONYO:

Dalladda SONYO sida ku cad sharcigeedaba waxaa la aasaasay sannadii 2003-da waxaana ku jira ururro ka dhisan dhammaan lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland, in kasta oo dalladdu hawlo badan oo horumarineed qabatay isla markaana door shariif ah ay ku lahayd tallaaboyin ay ugu dembaysay dib u eegistii lagu sameeyey xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee da’da hoos loo dhigay. Haddana taasi uga shafeeco qaadi mayso in la xuso qaladaadka is fuulfuulay.

– Bilowga horeba dalladi waxa ay sharciyan meteshaa oo keliya inta urur ee ku bahoobay, taas macnaheeduna waxa ay tahay in dalladda SONYO ay metesho ururrada xubnaha rasmiga ah ka ah oo weliba sida ay iyadu ku celceliso ah ururro samofal oo aan arrimo siyaasi geli karin, taasi waxa ay meesha ka saaraysaa sharciyan in ay Dalladdu u hadli karto ama xattaa xuquuq u raadin karto cid ka baxsan ururrada ku bahoobay.

– Ma jecli in aan sii dhex galo haddii ay jiraan qaladaad ay ka mid tahay in halkii nidaamku ka ahaa in ay noqoto hooyo ubadkeeda u soo dhicisa mashaariicda kadibna mid waliba ka uu ku habboon yahay u dirata, iyadii isu dhigtay in ay qaadato kaalintii hooyada iyo tii ilmaha labadaba, waayo kaasi waa mawduuc daakhili u ah.

Laakiin arrinta meesha taallaa waxa ay tahay Dallad waajibkeeda ugu mudani waa in ay deeq-bixiyaha ka soo qaaddo mashruuca la fulinayo dhaqaalihiisa kadibna ay iyadu isu dhaafiso hadba ururka ka mid ah xubnaheeda ee noocaa mashruuc u xilsaaran. Waanay jirtaa marar la ogol yahay in ay mashruuca ku darsato kharashka hawl-socodsiineed ee dalladdu u baahan tahay walow ay iyadu dhaqaale ka hesho qaadhaanka xubnaheeda.

Dallad macnaheedu ma’aha in ay tahay ta kulmisa ururrada samofalka oo keliya, ee waxaa jira kuwo ay hoos tagaan ururro dhinacyada bulshada, dhaqaalaha ama siyaasadda ah, laakiin innagu kuwaas hadda uma soconno.

– Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in magaca ururka SONYO mar kasta lagu ladho ururka dhalinyarada Somaliland ee heer qaran. “HEER QARAN” waa odhaah hadalka qurxisa oo qofku jecel yahay in uu ku muujiyo in hawsha uu hayaa ay tahay mid dalkaas uu ka hadlayo looga dhan yahay, laakiin ma’aha erey sharciyeed oo laasiminaya in Qarankaas dhalinyarada joogta oo dhami ay hawshaa qayb ka yihiin, xattaa ma’aha erey si cilmiya u muujinaya baaxadda urur leeyahay, sidaa awgeed waa hadal-tiro in erey aan cilmi iyo sharci midna ku fadhiyin la adeegsado, haddii aanay ujeedadu ahayn in SONYO tahay urur qaran taas haddii ay tahayna waa arrin sharci yaqaannadu ereygeeda ka odhan doonaan oo ay ugu horreyso in dawladdu ku lug leedahay mase filayo in ay u jeedaan sidaa.

– Inta badan dunida dimuqraadiga ah waa uu ku yar yahay urur weyne nooc bulshada ka mid ahi leedahay oo heer qaran ah sida ay SONYO isu dhigayso, haddii aanay ahayn ururrada bulshada ee tusaale ahaan shaqaalaha iwm. Suurtogal ma noqon karto Dallad dhalinyaro, Dallad haween ama Dallad rag oo iyadu isu dhigta in ay dadka noocaas ah oo dhan metesho, waa maskaxdii laga dhaxlay keli taliska, ee ahayd in urur weyne dhalinyaro ama haween la sameeyo kadibna ay u adeegaan qaranka iyo dawladda xisbiga keliya ah oo hawl aanu rabinna aanay cidi geli karin. Laakiin dalalka furfuran ee aynu siyaasaddooda qaadannay  maangal kama noqon karto in dhalinyarada oo dhami urur yeelato; miyaanay ku kala jirin xisbiyo is-haya , tartan ka dhexeeyo isla markaana dano kala duwan oo ganacsi, dhaqaale, siyaasadeed, bulsho iyo aqooneed leh, sidee aynu hal urur isugu keeni karnaa ama cid keliya ugu doodi kartaa in ay iyadu u tahay afhayeenka dhalinyarada oo dhan.

– Dhalinyaradu ma’aha inta aqoonta leh ee kontomeeyaha urur samaystay oo keliya  miyaanay dhalinyaro ku jirin ganacsatada iyo xoog-maalka, yaa metela dhalinyarada aqoonta aan lahayn ee dadkuba u badan yahay, yaa metela dhalinyarada miyiga ku hadhay. se inta maryaha dhigatay ee duruufuhu miyirkoodii qaadeen SONYO ma meteshaa, ururrada dhalinyarada ee ku jira Dalladaha kale, sida SAHAN ama NEGAAD iyagu dan ay leeyihiin  SONYO magaceeda ma ku meteli kartaa. jawaabtu waa MAYA… waayo sharciyan waxba kama dhexeeyaan SONYO iyo dhinacyada aynu soo tirinay, kamana mid aha ururrada ku midoobey magacan. Wejiga keliya ee ay SONYO xidhiidh kula yeelan kartaa waa in ay ka caawiso dhinaca aadamenimo, laakiin sharciyada loo samaynayo iyo arrimaha masiirkooda taabanaya in ay gacan ku yeelataa waxa ay uga baahan tahay ogolaanshiyahooda waxa aanay keenaysaa aakhirka sharciyo mustaqbalka muran badan dhaliya.

Maxaa jira:

Ceeb ma’aha in dhalinyarada firfircoon ee SONYO hungureeyaan in ay iyagu metelaan dhalinyarada Somaliland oo dhan, laakiin waa in ay iska furaan dabarka sharciyadeed ee ururkoodu ku xidhayo oo dib u habayn gun illaa baar ahna ay sameeyaan, tusaale ahaan: dhalinyarada Somaliland waxaa lagu qiyaasaa in ay bulshada ka yihiin ugu yaraan boqolkiiba 70. SONYO golaheeda lagu magacaabo National Council oo ah ka si dhab ah u wada hawlaha ururka inta u dhaxaysa labada shirweyne isla markaana ansixiya fulintu waxa uu ka kooban yahay 13 ruux taasi saami intee le’eg ayaa ay ka tahay dhalinyaradii dalka.

– SONYO waxa ay ku dhisan tahay saami qaybsi haddii bilowgii uu sax ula muuqday, maanta aan caddaalad ahayn, 13-ka xubnood ee hoggaamiya 7 ayaa Maroodi jeex ah (Reer Hargeysa), gobolka Togdheer ee caasimadda labaad waxaa ka soo baxa xubin keliya, Gobolka Awdal oo baaxaddiisa lehna 2 xubnood, saddexda gobol ee soo hadhayna waa min hal xubin oo keliya. Sababaha aynu soo sheegnay dhammaantood waxa ay SONYO ka hor istaagayaan in ay metesho guud ahaan dhalinyarada Somaliland.

Gunaanad.

Maadaama oo sida aynu soo sheegnay aynu nahay dal dimuqraadiyad qaatay oo aanay suurtogal ahayn in isku dan iyo ujeeedo ama hadaf guud ay noqdaan dhalinyarada oo dhan, is beddel kasta iyo xattaa inta badan arrimaha horumarinta iyo bani’aadamnimaduna aanay ka maarmayn siyaasad, waxaa muhiim ila ah in la qaato kulan guud. Waxaa jira nidaam dalal badan oo Maraykanka iyo Turkey ka mid yihiin laga tijaabiyey oo ah waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (Youth congress) golaha dhalinyarada.

Waxaa ku jira dhammaan dhalinyarada darajo kasta oo aqooneed oo ay yihiin iyo siyaasad kasta oo ay aaminsan yihiin. Waa nidaam u dhigma baarlaman guud oo xubnaha sharci dejinta ee dooranaya guddida fulintu ay ku imanayaan saami cadaalad u ah gobolada oo dhan, waxaa tusaale looga qaataa saamiga gobolladu ku fadhiyaan golayaasha qaranka ee la soo doorto sida baarlamanka oo kale. waana sababta dalalka qaar ugu magacaabaan baarlamanka dhalinyarada.

Gobol kasta dhalinyarada ku nool iyaga oo aragtiyahooda kala aaminsan xisbiyada ay doonaanna ku kala jira waxa ay doorasho toos ah ku soo xulanayaan xubnaha uga qayb galaya golahaa guud. Golahaas ayaa marka uu soo baxo iska dooranaya guddoomiye kadibna soo dooranaya xubnaha golaha fulinta oo hadba ku imanaya sharciga la isla garto. Golahani waxa uu yeelanayaa awood uu dhalinyarada oo dhan ku metelo maadaama oo uu gobol kastaa saami ku leeyahay xubnihiisana si dimuqraadiya ku soo doortay.

– Golahani waxa uu awoodaa in uu mashaariicda dhalinyarada la siinayo ee caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ahba isagu sharciyan jiheeyo si caddaalad gobollada loogu qaybiyo, fulinta mashruucana ay hay’adaha maxalliga ah ee dhalinyaro ee hadba gobolka laga fulinaya ka jiraa ay cadaalad ugu tartamaan.

 – Golahani marka uu wado ajandayaal siyaasiya oo dhalinta si guud dan ugu ah inta uu ansixiyo ayuu qasab kaga dhigaya xubnihiisa in ay ku qanciyaan xisbiyada ay taageersan yihiin, isla markaana golayaasha sharci dejinta uu xoog ka miisaan badan ka hadda jira ku saari karaa in la fuliyo dalabka dhalinyarada.

Macnuhu ma’aha in sidani tahay ta keliya ee ina dhaqaysa laakiin runta maanta jirtaa waxa ay tahay in hannaanka uu ururka SONYO u dooonayo in uu ku metelo dhalinyarada dalku uu yahay mid damac aanay bislayn, isla markaana u muuqda in shakhsiyaad tiradoodu aanay ka badnayn labada gacmood farahoodu ay doonayaan in dhalinyarada labada milyan gaadhaysa ee reer Somaliland iyagu codkooda sheegtaan, taasi waxa ay luminaysaa fursado badan oo dhalintu rumayn lahayd, waxa aanay sii xoojinaysaa siyaasadda damaca keli-wax-u-doonka ah ee la hadhay dalalka dunida saddexaad in badan oo ka mid ah. Waxa aan qabaa in xalku maanta dhow yahay, balse ay gaadhi karto tafaraaruq iyo in ay soo baxaan tobanaan Dalladood oo mid kasta isagu isu cumaamado sida SONYO.

W.Q:  Kamaal A. Ali

Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa Banaan ee Geeska Afrika Oo Hargeysa Ka soo baxa.