Soo baxbaa laleeyoo sacabkay leefaysaa!!!!!

0

 

Araar

Waxaa baryahan u danbeeyay isasoo taraayey oo saaxaada

siyaasada Somaliland kusoo noqod batay cagajuglayn  iyo

handadaada qaawan oo ka imaanaysa xukuumada dalka

taladiisa gacata ku haysa intii waayadan ahaydna isu dhigaty

kali talisnimo badheedh ah oo aan u cuntamin ummada reer Somaliland yar iyo wayntoona. haday tahay

1- Sida saxaafada xorta ah loo la dhaqmayo

2- Sida madax dhaqameedka ummad aayahooda ka taliya loogu hanjabaayo qaarkoodna ayba xabsiga ku jiraan

3- Cadaaladii wadanka oo meel halis ah maraysa

4- Weedho xagasho iyo xanuun badan ka muuqdaan oo aanay dawladu afka kala baqayn

5- Masabid iyo qofka oo danbi aanu lahayn lagu nabo oo ah siyaadad cusub oo dawladani la timid

iyo godaloolooyin badan oon kaw iyo labo midna la odhan Karin waa waxa uugu badan ee dawladani la kawsatay .

waxba yaan ku sii tiigaalin waxay u jeedadaydu tahay

 

Ujeedo

 

Waxaan aad iyo aad uugu qajilay oo wali nin wasiir ah amaba xil wadanka ka hayaa oo sida uu wasiirka arimaha gudah Somaliland ula hadlay madax dhaqameedka ummada u hadlay wali sadexdii dawladood  ee wadanka soomaray kamay suuroobin

in inta nin wasiir ahi shaashad isa soo taago uu ka yidhaa

“Madax dhaqameedka wax nabad ah oo ay ka shaqeeyaan majirto” “Madax dhaqameedka waxa loo adeegsadaa burburinta dawlada”  iyo kelmedo aad u fool xun oon ilmaha yari aanu ku hadleen

 

Talo bixin

Waxaan halkan talo uga soo jeedinayaa dawlada uu ka mid yahay wasiir duur, saxaafada iyo madax dhaqameedka. aan idhaahdo.

1- Dawladu waxay ku taagantay madax dhaqanmeedka maaha afarta SPU da ah waayo wadanku wuxuu dhanyahay 108,800 Km² wasiirkuna hargeysa oo kali ah hadii caawa loo diro kuma dhaco inuu wax ka qabto

2- Madaxweynaa waxaan leeyey “Nin ragii walaal wuxuu ku dhaamo lawaa”

3- Madaxweynaa waxaan kale oon xasuusinayaa shalay hadaladi kulmiye ka soo baxaayey siwacan baa loo hayaa

4- Madax dhaqameedka waxaan leeyay “wixii magacaaga dilaaya meel baa layska dhigaa” ha ka aamusina falalka foosha xun ee agagaarkiina ka socda hadii aad ka aamustan waxa dhab noqonaysa weedha duur oo 200 Sl sh ah ayaad magacii ku iibiseen

5- Saxaafadana waxaan leeyay qaranka ayaad u shaqaysaan ee maaha xukuumada xadhigana ha ka baqina waa iidhehda uugu weyn ee siyaasada

 

BY: – Abdi Aziz Awil adar

Email: – adar20042@hotmail.com Tell: – 4478163