South African Communist oo sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay go’aaminta qadiyada madax-banaanideeda

0

Xisbiga South African Communist Party SACP ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay go’aaminta qadiyada madax-banaanideeda. Isla markaana ay haysato sharciyad caalami ah iyo mid maxali ah oo ay ku heli karto aqoonsigeeda.

SACP oo soo xiganayey shir dabayaaqadii sanadkii 2020 uu marti geliyey xisbigoodu oo lagaga hadlayey dalabka qadiyada Madaxbanaanida Somaliland ee ah in ay noqoto dal madaxbannaan, ayaa warbixin sanadkeediisii 2020 oo uu saaray Isniintii todobaadkan ku sheegay in Xeerka caalamiga ee Qaab-dhismeedka Afrika xaq u siinayo Somaliland dal iskii u taagan oo ka madaxbannaan Soomaaliya oo uu ku tilmaamay Waddan fashilmay oo aan nidaam ahi ka jirin.

Xisbiga ayaa intaasi ku daray in Xeerka caalamiga ah ee Afrika uu si cad u qeexayo in xudduudihii Afrika ee gumaysigu ay yihiin kuwa kaliya ee la aqoonsan yahay. Isla markaana ay yihiin soohdimaha loo adeegsanayo xadadka waddamada qaarada.

Halkan ka Daawo Warbixinta oo Muuqaal ah: