Sucuudiga iyo Xulafadiisa oo Go’aamo ka soo saaray Diidmadii Qatar

0

Wasiirada Arimaha Dibada ee Dalalka xidhiidhka u jaray Dawlada Qatar oo maanta kulan ku yeeshay Magalada Qaahira ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen kulanka ka bacdi waxa ay ku soo bandhigeen go’aamada ay ka qaadanayaan Dawlada Qatar oo diiday dalabaadkii ay hor dhigeen si ay dib ugu soo celiyaan xidhiidhkii diblumaasi ee ay u jareen ugana qaadi lahaayeen cunaqabataynta dhaqaale ee ay ku soo rogeen.
Wasiirada Arimaha Dibada ee Dalalka Sucuudiga, Baxrayn, Imaaraatka iyo Masar waxa ay shir jaraa’idkooda ku soo bandhigeen in dhamaan talaabooyinka laga qaadayo dawlada qatar ay noqon doonaan kuwo waafaqsan qaanuunka caalamiga ah, waxana ay ugu baaqeen Dawlada Qatar inay ka noqoto hanaanka siyaasadeed ee ay ku socoto, iyagoo wadamadani kulan dambe ku yeelan doona Magaalada manama ee Dalka baxreyn.
shir jaraa’idkooda ayaa Wasiiradani waxay kaloo ku sheegeen in gooniyaynta dhanka siyaasadeed iyo cunoqabataynta la saarayba ay sii socon doonaan illaa ay Dawlada Qatar bedesho qaabka siyaasadeed ee ay raacayso, dalabaadkii ay u gudbiyeen Dalka Qatar-na uu aasaas u yahay ilaalinta amniga dalalka carabta iyo ka gobolkaba.
Isla kulankaa ayay wasiiradu ugu mahadceliyeen Dawlada Kuweyt dadaalkii ay ka samaysay dhexdhexaadinta arintani, waxana ay halkaa ka caddeeyeen in go’aamadan maanta oo keliya ahi aanay ahayn jawaabtii wadamadani siin lahaayeen Dalka Qatar.