Suldaan Galaal oo Liyuu Booliska Itoobiya Xabsiga u taxaabeen, sababta keentay iyo halka uu ku xidhan yahay

0

Hargeysa-(Berberanews)- Suldaan Maxamed Cabdillaahi Xuseen (Galaal), ayaa Maxbuus ku ah Xabsi ku yaalla magaalada Jig-jiga ee xarunta Ismaamulka dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Killalka shanaad, ka dib markii ay saddex maalmood ka hor Xabsiga u taxaabeen Ciidammada Liyuu Booliska loo yaqaanno ee maamulkaas.

Sida ay Wargeyska Ogaal xalay u xaqiijiyeen ila-wareedyo lagu kalsoon-yahay, Suldaan Galaal iyo nin kale oo la socay ayaa la sheegay in Sabtidii toddobaadkan ay Ciidanka Liyuu Booliska dawladda Soomaalida Itoobiya ka qabteen meesha la yidhaahdo Karooska waddo-dhaan oo ka tirsan degaanka Rabaso oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Dhagax-buur ee killalka shanaad.

“Dorraad ayaa Karooska laga qabtay, Rabaso ayaa la geeyey oo habeen hore loo hooyey, ka dibna Xarshin, waxaana loo sii dhaafiyey Jigjiga oo uu caawa (xalay) ku xidhan yahay….Baabuur Surf ah oo uu watay ayaa lagu qabtay oo la yidhi kuma xidhna lambarka (taarikada) Itoobiya ee waxa uu sitaa lambarka Somaliland.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dad Ogaal xadhigga Suldaanka wax ka weydiiyey oo la socday xaaladda xadhigga Suldaanka, waxaanu intaa ku dareen oo ay sheegeen in Suldaan Galaal uu la xidhan yahay nin kale oo wakhtigaa la socday. “Waxa Suldaanka la xidhan nin kale oo aanan magiciisa hadda hayn laakiin la iigu sheegay Ina Cali Jaamac Boqorre oo la socday ayaa la xidhan….” ayey intaa raaciyeen.

Haddaba, Wargeyska Ogaal si uu warkaa u xaqiijiyo waxa uu khadka taleefanka kula xidhiidhay Suldaan Maxamed Cabdillaahi Xuseen (Galaal),  oo caddeeyey inuu ku xidhan yahay Saldhig Boolis. “Adeer waan xidhanahay, Saldhig Boolis oo Ciidan joogo ayaan ku xidhanahay…..” Weedhahaas kooban ayuu Suldaan Galaal si kooban ugu sheegay Weriye ka tirsan Wargeyska Ogaal oo xalay khadka taleefanka gacanta ku weydiiyey jiritaanka xadhiggiisa, hase-yeeshee, Suldaanka umay suuragelin inuu intaa wax ka badan yidhaahdo, ee markii uu intaa yidhi, ayaa taleefankiisa gacanta (Mobile-ka) la xidhay, isaga oo xidhnaa dhawr jeer oo xalay Ogaal isku dayey inuu xog intaa ka badan ka helo Suldaanka.

Xisagasho Ogaal.