Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed oo loo cumaamaday Saldannadii Aabihii ka geeriyooday

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madal loogu duceeyay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle, ayaa lagu qabtay Hotel Plaza ee Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, waxaa munaasibadda lagu shaaciyay in Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud loo cumaamaday inuu buuxiuo booskii saldannada ee aabihii ka geeriyooday.

Madasha waxaa goojoog ka ahaa Boqorro, Salaadiin, Chief Caaqillo, siyaasiyiin, aqoonyahan, dhallinyaro iyo xildhibaanno tiro badan.

Dhammaan haldoorkii iyo madaxdhaqameedkii madashaa ka hadlay waxay ka markhaati kaceen doorkii hoggaamineed iyo hal adayg ee Suldaan Indhcase, waxaanay ilaahay uga barteen inuu nacatiistii jano ka waraabiyo.

Waxay sidoo kale, Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed ilaahay uga baryeen inuu ku asturo xilka culus ee fuulay.