Suurtagal ma u tahay imaanshaha hablaha Tigreegu Somaliland?

0

Waxaa qoray; DrMohamed Suleiman Sabca
Oo kamida Ardayda Waxka barata Jaamacadda Mekelle ee gobolka Tigrayga.

Dalweynaha Ethiopia geography ahaan waa dal dhaca bariga Africa, waxa uu jaar la yahay ama xuduud la wadaagaa 7 dal oo kale ah; Somalia, Somaliland, Djibouti, Kenya, Eritrea, Sudan, South Sudan. Bedka dhulka Ethiopia waxaa la gu qiyaasaa xajmi ahaan inuu leeg yahay 1,126,829 square kilometre( hal malyuun, boqol iyo lix iyo labaatan kun, siddeed boqol iyo sagaal iyo labaatan kilometer oo laba jibbaaran), halka bulshada ku nool na la gu qiyaaso tiro ahaan inay dhantahay 110,000,000( Boqol iyo toban malyuun).

Ethiopia dhinaca nidaamka waxa ay qaadatay federalism, oo ah dalku inuu ka koobnaado dawlad dhexe oo xooggan iyo maamulo hoos yimaada oo ku shaqeeya awaamiirta dawladda dhexe ee fadhigeedu ama xarunteedu tahay Addis Ababa.
Dawladda dhexe ee xarunteedu tahay Addis Ababa waxaa hoos yimaada 10 kilil ama maamul goboleed( 10 regional governments), kuwaas oo kala ah;
Tigray, Afar, Amhara, Oromia, Somali, Benishangul-Gumuz, Southern Nations, Gambella, Harari iyo Sidama. Waxaa la ga yaabaa in dad badani isweydiiyaan Ethiopia waxay ahayd 9 kilil ee xagguu kililka tobnaad ka keenay? Waxaa xusid mudan kilil ka loo yaqaanno Sidama oo ka go’ay Southern Nations( shucuubta koonfureed) waxaa uu maamul gaar ah noqday 2019 kii. Ethiopia waxay ka kooban tahay 84 qoomiyadood, taasi waxay ku tusaysaa halkii kilil ama maamul ba inuu ka kooban yahay qoomiyado kala duwan. Tusaale; kililka loo yaqaanno Sothern Nations waxaa ku bahoobay 47 qoomiyadood oo kala diin ah, kala luuqad ah, kala dhaqan ah.

Tigray-gu sida aan kor ku xusay waa kilil ka mid ah kililada ka jira Ethiopa, waxaanu dhacaa waqooyiga Ethiopia. Bulshada ku nool Tigray-ga waxaa la gu qiyaasaa 6% inay ka noqonayso Ethiopia inteeda kale, taas oo tiro ahaan noqonaysa 6,600,000( lix malyuun iyo lix boqol oo kun) marka loo eego tirada guud ee Ethiopia oo ah sidaynu kor ku soo xusnay qiyaas ahaan 110,000,000.
Run ahaantii dhulka Tigray-gu waa dhul u badan buuralay ayna ku yar tahay dhulka siman. Diimaha ay haystaan dadka kala duwan ee Tigray-gu waxaa ka mid ah; Orthodox, Muslim, Protestant iyo Catholic. Bulshada ku nool Tigrayga 90% waxay haystaan ama aamin sanyihiin Ethiopian Orthodox Christian, halka qiyaas ahaan 7% ay yihiin muslim inta kalena waxay haystaan Protestants iyo Catholic ga.

Luuqadda ay ku hadlaan dadka Tigray-gu waxaa loo yaqaannaa Tigrinya, waxaana sidoo kale la ga ga hadlaa luuqaddan Eritrea, madaamaa ay ku nool yihiin Eritrea dawyow asal ahaan ka soo jeeda Tigray-ga.
Qoomiyadda Tigray-gu waxay xuduud la leedahay Eritrea, Sudan xagga maamulada Ethiopia na waxay xad kala leedahay Amharo iyo Afar.

Caasimadda Tigray-gu waa Mekelle, waxay masaafo ahaan u jirtaa Addis Ababa oo ah xarunta guud ee loo ga taliyo dalka Ethiopia 800 square kilometer( kiilo mitir laba jibbaaran). Addis Ababa waxay masaafo ahaan u jirtaa caasimadda Somaliland ee Hargeisa 780 square kilometer. Celcelis ahaan caasimadda Somaliland waxay u jirtaa caasimadda Tigray-ga oo ah Mekelle 1,580 square kilometer( kiloomitir laba jibbaaran).
Tigray-gu waxay ka mid tahay qoomiyadaha Ethiopia soo xukumayey muddo dheer, waxaana lu gu tiriyaa qoomiyadaha u gu awoodda badan dhaqaale ahaan, hub iyo ciidan ahaan ba.

Qoomiyadaha Ethiopia waxaa muddo dheer ka dhex taagnaa dagaal ku salaysan xukun iyo isir, taas oo sababtay in marka qoomiyadi xukunka qabsato inay inta kale xasuuqdo ama tacadiyo aanay ka soo waaqsan u geysato.
Tigray-ga beryahan waxaa ka socday dagaallo, kuwaas oo u dhexeeya Tigray-ga iyo Ethiopia inteeda kale, waxaanan aamin sanahay anigu fakar ahaan dagaalkaasi inaanu ahayn mid Ethiopia midnimadeeda iyo wadajirkeeda la gu ilaalinayo, balse uu yahay dagaal ku salaysan nacayb iyo ka aargoosi la ga ga aargoosanayo Tigray-ga.
Si kastaba ha ahaatee, Dawladda dhexe oo kaashanaysa maamulada Ethiopia ayaa waxay dagaal ku qaaday bishan bilowgeedii Tigray-ga, qoomiyadaha u gu cad cad ee dagaalka jiida hore ka ga jira waxaa ka mid ah; qoomiyadda Amhara-da iyo Afar-ta oo labaduba xuduud la leh maamulka Tigrayga.

Dagaalada ka socda Tigray-gu waxay keeneen barakac( displacement) ku dhaca qaar ka mid ah shacabka Tigray-ga, waxanay shacabkaasi u qaxeen dalka jaarka la ah ee Sudan.
Hadda ba waxaa isweydiin mudan haddii dagaaladu sii socdaan shacabka Tigray-gu ma u soo qaxayaan Somaliland?
Fikirkayga haddii aan cabiro jawaabtu waa maya, sababtoo ah qofka doonaya inuu ka safro Tigray-ga una safro Somaliland, waxaa u bannaan inuu maro laba waddo mid uun:

1. Waddo ka tagta Tigray-ga siina dhex marta Amharada, halkaasna caasimadda Addis Ababa ka gasha. Qofkaasi si toos ah wuxuu u ga soo baxayaa Addis Ababa ilaa Hargeisa.
2. Waddo ka tagta Tigray-ga soona dhex marta Afarta, Oromada, Soomalida Ethiopia halkaasna ka soo gasha Somaliland.
Ma jirto waddo kale oo u furan Tigrayga doonaya inay soo aadaan Somaliland.
Qoraalkayga waxaan ku sheegay inaanay suurtogal ahayn Tigraygu inay u soo qaxaan Somaliland sababtoo ah:

1. Masaafo ahaan sidaan soo xusay Somaliland iyo Mekelle waxay isu jiraan 1,580 kiiloomitir oo laba jibbaaran, taasina waxay suurtogal ka dhigaysaa inaanay shacabka Tigraygu masaafada intaa leeg socon karin. Ethiopia maaha dal leh bad ay maraakiibtu ka gooshan waa Landlocked country, waxa qudha ee suurto gelin kara waa diyaaradaha iyo baabuurta oo si toos ah u ga soo goosha Tigrayga ilaa Simaliland, taasna waxaynu ognahay in dawladda dhexe ee Abiy Ahmed ay mamnuucday gabi ahaan ba gaadiidkii cirka iyo dhulka ba ilaa inta gobolka Tigrayga gacanta la gu qabanayo.
2. Qoomiyadaha Amharada iyo Afarta waxay qayb laxaad leh ka yihiin dagaalka la gulo jiro Tigray-ga, waana dagaal ku salaysan taariikho hore iyo isir nacayb. Sidaan hore u sheegay waddada qudha ee u furan qofka Tigray-ga ka imanayaa ee Somailand soo aadayaa waa waddooyinka Amharada iyo Afarta. Taasna waxaan suuro gal ka dhigayn in shacabka Tigraygu waddooyinkaa soomaraan colaada guumowday ee hadda iyo hore ba u ga dhexaysay qoomiyadahan.
Waxaan beryahan baraha bulshadu ku kulanto ku arkayey dhalinyaro reer Somaliland ah oo leh, hablaha Tigray-ga ayaa qaxoonti noogu imanaaya.
Taas ayaa ah u jeedka aan qormadan u qoray, aniga oo tusaya dhalinyarta sidaa u fakaraaya inaanay macquul ahayn imaanshaha hablaha Tigraygu.
Dhinaca kale Tigray-gu waa dad dhaqan ahaan Soomaalida 100% ay kala duwan yihiin.

Hadaba akhriste, haddii aad leedahay waa suuro gal in hablaha Tigraygu Somaliland yimaadaan sidee bay macquul ku noqonaysaa? Fakarkaagu waa muhiim.

SHEEKO CAJIIB AH OO NA DHEXMARTAY ANIGA, ASXAABTAYDA IYO NIN TIGRAY AH:

Waxaanu ku sugannahay badhtamaha caasimadda Mekelle, wakhtigu waa makhrib dabadii xilliga Soomaalidu u taqaanno celcilaw oo ah maalin jimce ah. Waxaanu nahay 4 qof oo soomaali ah, gaar ahaan ardaydii jaamacadda aanu ka wada diyaarinaynay Mekelle, waa aniga iyo saddex nin oo kale. Waxaanu u tafaxaydannay in aanu suuqa ka baxno oo jaamacaddii aadno, garo oo jaamacadda waxa loo raacayaa bus nooca loo yaqaanno minibus. Waxaanu isa soo taagnay goobtii bus-ku taagnaa aniga iyo asxaabtaydii, laba ka mid ah asxaabtaydii waxay galeen bus-ka xagga danbe halka aniga iyo nin la yidhaahdo Yuusuf Axmed aanu gallay shidhka hore ee bus-ka. Waxaa saaran xagga hore ee bus ka darawalkii gaadhiga, aniga iyo Yuusuf na saddex ayaanu ku noqonay xagga hore ee bus ka. Waxaa nagu jira xoogay deg deg ah, madaamaa arday aanu nahay waxaanu doonaynaa inaanu goor hore tagno jaamacaddii si aanu casharradii iyo shaqadii noo tiilay u diyaarinno.

Darawalkii buska ayaa wuxuu bilaabay inuu rakaabkii sugo, garo oo annana waanu deg degaynaa. Waxaanu bilawnay aniga iyo Yuusuf oo shidhka hore ku jiraa inaanu afsoomaali ku maagno ninkii darawalka ahaa oo Tigray ah, annaga oo is leh idinma fahmayo, wax jawaab ahna nama siin darawalkii busku.
Inyar ka bacdi darawalkii wuxuu dhaqaajiyey bus kii, wuxuuna bilaabay inuu nala hadlo isagoo ku hadlaya afsoomaali oo leh “XAGEEBAAD KA TIMAADEEN”. Is’eegnay, yaabnay oo amankaagnay oo nidhi ninku muxuu ku hadlayaa aniga iyo ninkii aanu sxb ka ahayn ee xagga hore wada saarnayn. Anaga oo yaaban ayaanu ku nidhi Somaliland. Ninkii nama odhan maxaad ii maagayseen, wuxuu se bilaabay inuu noo sheekeeyo oo Somaliland iyo wakhtigii uu joogay nooga sheekeeyo.
Wuxuu noo sheegay inuu Somaliland joogay, gaar ahaan Hargeisa hal sano iyo badh isaga oo xiligaa shaqo u joogay afsoomaaligana uu xilligaa bartay.
U jeedka dhacdadan aan u soo qaatay waxa weeye, ninkii markaanu is waraysannay waxaanu waydiinay waxyaabaha Somaliland uu ku xasuusto?
Wuxuu nagu yidhi waxyaabaha maskaxdayda ka bixi la’ ee aan Soomiland ku xasuusto waxaa ka mid ah hablo qurux badan oo asturan. Waxaanu waydiinay hablaha Tigrayga ee quruxda badan maxaad ku nacday?
Wuxuu noogu jawaabay, waa hablo qaawan oo aan asturnayn sidaa daraadeedna anigu ma xiisaynaynayo hablahaa qaawan. Waxaan aad u danaynayaa hablahaa asturan ee Somaloland.
Waxaanu waydiinay maxaad Somaliland u ga guursan-weyday intaad joogtay?
Wuxuu noogu jawaabay hablaha Somaliland way i diideen, madaamaa aan gaal ahay, waxay yidhaahdeen nin gaal ah ma doonayno.
Wuxuu intaas noosii raaciyey inuu ku tamaniyayo inuu mar danbe Somaliland yimaado oo uu ka guursado hablahaa quruxda badan.

Taasi waxay marag ka tahay in hablaha Soomaaliyeed ee asturani yihiin hablo qurux badan.
Hablaha Soomaaliyeed na waxaan kula dardaarmayaa inay jidhkooda ilaaliyaan, madaamaa ninkii gaal ka ahaa doonayo gabadh asturan, maxaad u malaynaysaan kii muslim ka ahaana?

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “NIN BA WAX IS LEH”.